



Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25517/Waxaa diyaariyey warbixintan
C/risaq Maxamed Xuseen,
Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Sida ay dad badani la socdaan waxaa beryahaan socdey dadaal badan oo biblumaasiyeed oo ay sameynayeen madaxda dowlada cusub ee Puntland. Ololaha diblumaasiyeed ee hayàdaha kala duwan ee maamulka puntland waxaa looga goleeyahay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in aduunweynaha loo sharaxo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kaloo ka mid ah ujeedooyinka in xiriir lala sameeyo hayàdaha dowliga ah ee ku yaala wadamada yurub iyo ameerika. Howshaas waxaa tusaale fiican u ah waftiga uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole. Waftigaasi waxaa ay soo mareen, xirriir fiicana la soo sameeyeen dowlada Mareykanka iyo hayàdeheeda kala duwan, iyagoo kolkii damena gaaray cariga ingiriiska. Si taas la mid ah waxaa iyana booqasho ku joogey iswiidhan wafti uu hogaaminaayo Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Mudane Cali maxamed Xoosh.Waxaa kaloo waftiga ka mid ahaa Duqa magaalada Boosaaso Mr A/risaq Xareed iyo ku xugeenka madaxa jaamacada Bariga afrika, prof. C/qaadir Saciid Cali (shino)
Booqashadii waftiga ee gobolada Sweden
Waxaa waftigu booqasho kusoo kala bixiyeen gobolo iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaala wadanka sweden. Meelaha ay tageen wafigu waxaa ka mid ah caasimada Sweden ee Stockholm , Gothenburg oo ah caasimada labaad ee Sweden. Waxaa kaloo ay booqdeen magaalooyinka dhexe ee xagga koonfureed ka xiga caasimada kuwaas oo kala ah magaalada Örebro iyo magaalada Eskilstuna. Magaalada Örebro waa magaaladii ahayd saldhiga waftiga isla markaasna ay martida u ahaayeen. Waftigu waxaa uu la kulmay hayàdo kala duwan oo reer sweden ah.Hayàadkaas waxaa ka mid ahaa wasaarada arimaha dibada, Hayàda kaalmada dibada ee SIDA, Jaamacada Gobolka Örebro iyo weliba dowlada hoose ee gobolkaas.
Dhamaan arimihii laga wada hadlayna waxaa ay ku dhamaadeen guul iyo isafgarasho wacan.
Waxaana sida la qorsheynaayo tegi doona gobolada Puntland wafti balaaran oo ka socda wadanka Sweden. Ujeedada waftigaasi waxaa ka mid ah iney soo arkaan xaalada hayàadka kala duwan ee Puntland iyo waxyaalaha ay puntland qabsatay iyo waxyaalaha ay u baahan tahay in laga kaalmeeyo. Waxaa kale oo waftiga Punland meel kasta oo ay tagaanba kula kulmayeen jaaliyada reer puntland iyo weliba dadka soomaaliyeed guud ahaanba.
Waftigu waxaa uu jaaliyadaha u sharaxaayey ugana waramaayey xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kale oo jaaliyadaha ay fursad u heleen iney suàalo waftiga weydiiyaan.
Booqashadii Waftiga ee Magaalada Eskilstuna
Magaalada Eskilstuna waa magaalo qadiimi ah oo ku taala meel waxoogaa koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Stockholm.Magaaladu sanadkan aan ku jirto ayey u dabaal degeysey sanadguuradii 350-naad. Magaalada waxaa cadadka dadka degan lagu qiyaasaa ilaa 95 kun oo qof. Waxaa ay magaaladu leedahay kuliyado jaamacadeed oo kala duwan.
Dadka soomaaliyeed ee magaalada ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 600-700 oo qof.
Dadku waxaa ay u badan yihiin dad muddo yar joogey wadankan sweden.
Haddaba kolkii waftigu nagu soo booqdeen magaalada waxaa ay la kulmeen dadweyne soomaaliyeed oo aad u badan. Dadkaasi ma aaney ahayn reer puntland oo keliya basle waxaa ay ka koobnaayeen dhamaan dad ka soo jeeda gobolada soomaaliyeed. Waftigii booqashada ku yimid magaalada waxaa ay ka koobnaayeen wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Muddane Cali yuusuf cali xoosh iyo ku xigeenka madaxa jaamacada bariga afrika, Proff. C/qaadir saciid cali (Shino)
Dadweynihii hoolka shirarka ee magaalada isugu yimid waxaa ay aad u xiiseynayeen iney la kulmaan waftiga, warbixin ka dhegeystaan iyaguna waxii suaalo ama talooyin ah ay u gudbiyaan maamulka Puntland. Waftigu waxaa uu hadalkooda ku bilaabay xiriirada ay sameeyeen ee aan kor kaga soo hadalay. Waxaa kaloo ay ka warameen ujeedooyinka ay sweden u booqanayaan. Waxaa waftigu warbixin aad loola dhacay oo sugan ka bixiyeen xaalada guud ee Gobolada Puntland iyo soomaaliyaba ay ku sugan yihiin.
Bal aan jaleecno waxyaalihii ay waftigu ka yiraahdeen arimaha soo socda:
Siyaasada: Puntland waxaa ay dooneysaa iney ka gudubto qaabka doorashada ee qabiilka ku saleysan ayna u gudubto qaabka dimoqraadiyada ah ee xisbiyada badan ku saleysan.
Arinkaas golaha baarlamaanka iyo kan xukuumaduba waa ansaxiyeen.Howshu hadda ka dib waxaa ay noqoneysaa diyaarinta qaabkii loo dhaqan gelin lahaa iyo fududeynta qaab siyaasadeedkaas. Waxyaalaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, tirakoobka dadka, sii sugida amaanka, arimaha soohdimaha iyo kuwo kale oo badan.
Waxbarashada: Heerka tacliinta Puntland waxaa ay samaysay horumar wanaagsan laga soo bilaabo bur-burkii dowladii dhexe ee soomaaliya. Tusaale ahaan 1992-dii waxaa puntland oo dhan ay lahayd dugsiyo waxbarasho oo aad u tira yar. Maantana (2009) waxaa ay dugsiyada sare gaarayaan ilaa 32 iskuul. Tuulo kasta maanta waxaa laga helayaa iskuul.
Kolkii ay dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya, ma lahayn Puntland wax jaamacad ah. Ardaygii jaamacad u baahdaana waxaa uu ku khasbanaa inuu aado magaalada muqdisho si uu tacliintiisa sare u sii wato. Maanta waxaa Puntland ku yaala ilaa sideed jaamacadood oo waaweyn. Jaamacadahaas waxaa ka mid jaamacada Bariga Afrika, oo leh ilaa shan kuliyadood oo kala duwan. Jaamacadu waxaa ay xiriir la leedahay jaamacado ku yaala meelo kala duwan oo aduunka ah, oo ay ka mid yihiin Sudan iyo Maleeshiya. Jaamacadu waxaa ay ardayda soomaaliyeed u suurto gelisey in iyagoo jooga Puntland ay diyaariyaan Shahaadada Sare ee Masterka.Taasi waxa ay suurto gashay ka dib kolkii jaamacdu wada shaqeyn la yeelatay jaamacado dibada ku yaala.
Dhaqaalaha: Private sectorka, ama dhaqdhaqaada suuqa hantida gaarka ah, waxaa uu sameeyey horumar aad iyo aad u weyn. Tusaale ahaan Puntland waa meelaha dhismaha ugu badani uu ka socdo kolka la eego soomaaliya oo dhan. Waxa ugu horeeya ee taas keenayna waa nabadgelyada ka jirta gobolada Puntland. Waxaa jira tar-tan u dhexeeya shirkadaha kala duwan, kaas oo inta badan faaìido u leh macaamiisha caadiga ah. Meelaha shirkaduhu ay horumarka fiican ka sameeyeen waxaa ka mid ah qaybaha isgaarsiinta. Qiimaha taleefoonka gacanta ( mobile) ayaa tusaale ahaan ah melaha ugu jaban dunida. Qarashka dibada lagula hadlo ayaa isna aad u jaban.
Burcad badeedka: Sida laga warhayo waxaa xeebaha puntland ka jira burcad badeed, khal-khal gelisey habsami u socodkii safarka badda. Burcad Badeedu ma aha dad kasoo jeeda gobolada Puntland oo keli ah balse waxaa ay ka kala yimaadeen soomaliya oo dhan.
Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad ugu dadaashay intii tabarteeda ah iney wax ka qabato dhibaatada burcad badeeda. Waxyaalo badan oo la taaban karona waa ay ka qabatay.
Puntland dan weyn ayaa ugu jirta in la suuliyo burcad-badeednimada, maxaa yeelay dhibaato dhinacyo badan taabaneysa ayey gobolka ku haysaa. Waxaa dhibtaas ka mid ah sumcad xumo ay burcadu usoo jiidey gobolka iyo weliba dhaqan xumo. Waxaa maanta biyaha xeebaha Puntland iyo soomaaliya guud ahaan ku sugan maraakiib caalami ah oo ugaarsaneysa burcadaas. Waxaanu rajeyneynaa in laga guuleysan doono burcad badeeda.
Tahriibta: Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad uga dadaashaa in aaney wax tahriib ahi ka dhicin gobolada Puntland. Balse howshaasi ma aha mid fudud. Dadka tahriibayaasha ahi waxaa ay ka yimaadaan soomaliya oo dhan iyo weliba meelo kale oo afrika ah.
Howsha xanibaada tahriibtu waa socotaa, waxaana jira guulo la taaban karo oo ay arinkaas dowladu ka gaartay. Wakhtiyadaan dame waxaa ay tahriibayaashu u jabeen dhinacaas iyo saxaaraha afrika. Taas ruuxeeda waxaa aanu ka sameynaa wacyi gelin dhalinta loo sameynaayo oo ku wajahan khatarta ay arinkaasi leedahay.
Qaxootiga: Waxaa puntland ku sugan qaxooti aad iyo aad u tirabadan. Qaxootigaas oo kakala yimid gobolada koonfureed ee soomaaliya. Dadweynaha puntland iyo dowladuba aad bey ugu dadaashaa in dadkaas soomaaliyeed ee qaxootiga ah la caawino. Mar walbana waxaa yimaada qaxooti iyo dad soo barakacay oo cusub. Waana adag tahay in barakacaas xal loo helo inta ay socdaan dagaalada ka jira gobolada koonfureed.
* Waxyaalaha muhiimada la siin doono wakhtiga dhow: Waxyaalaha ay dowlada cusub ee Puntland xooga saari doonto waxaa ka mid ah:
* Dhaqaalaha
* Sugida iyo sii adkeynta nabada
* Dib u habaynta ciidamada iyo tayadooda
* Maxkamadaha iyo garsoorka
* Hirgelinta nidaamka xisbiya iyo waxyaalo kale oo badan.
Excellent news. I didn't realize Puntland was so deserted like that before the war. Amazing we are the only state that started from scratch, everybody else had siyad build them everything. Very Proud of Puntland and this article was very interesting even though i already knew alot of it before-hand.
