Sultan of Isxaaq Carre Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo baaq

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Sultan of Isxaaq Carre Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo baaq

Post by Ducaysane_87 »

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo baaq nabadeed ka soo saaray Ingriiska
Written by Qarannews
Jul 14, 2009 at 06:42 AM
Bayaan

Suldaaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka tirsan madax dhaqameedka Soomaaliland horena uga mid ahaa madax dhaqameedkii kaalinta wayn ku lahaa xalinta shaqaaqadan iyo kuwii ka dhacay hawdka soomaaliland ayaa isaga oo imika dalka debadiisa ku maqan joogana magaalada Bristol ee dalka ingiriiska waxa uu ugu baaqay dhinacyada arinta bardaale in ay is faham ku dhameeyaan colaadina aanay waxba ka tarayn, wax horumar ahna keenay sidoo kale cidna aanay guu natiijo ka gaadhayn. waxaanu hadalkiisii ku yidhi
waxaan aad uga xumahay arinta ceerbadaale ka dhacday arintaas aniga oo qiimaynaya xaalka dareen colaadeedna ka uriyay ayaan intaanan dalka ka dhoofin saxaafada u sheegay in xukuumadu degdeg u fuliso go,aamadii la soo saaray balse dhag looma dhigin arin kastaana ka hor taga ayay kaga fiican tahay in culays la saaro inta laga talinayo marka dhiig daato ama dubku sii huro. maantana waxaan halkan mar kale ku gudbinayaa dareen kii la mid ah oo damqasho aan xanunka la wadaagayo dadka soomaaliland aniga oo uga tacsiyadaynaya inta ku dhimatay waxaanse leeyahy dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho sidaas darteed dhamaan dhinacyada isku haya, golayaasha guurtida iyo baarlamaanka, madax dhaqameedka oo ay ugu horeeyaan saladiinta inta dalka maanta joogta iyo xukuumada soomaaliland oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha soomaliland waxaan ku boorinayaa in aad arintaas daminteeda aan la fududaysan sifo kasta oo lagu soo afjarayana looga hawl galo dibna aan loo dhigin ka hawl galkeeda si ay u noqoto arin xaalada siyaasadeed ee dalka loo adeegsan sidoo kale waxaan leeyahay xisbiyada dalka mucaarid iyo muxaafit in aanay dhiiga dadkooda iyo colaaad la huriyaa aanay waxba ugu filayn kaambayn siyaasadeed sidaas awgeed aanay u adeegsan arintan kaambayn siyaasadeed.

Suldaan yuusuf Muxumed xiiray

Bristol
UK


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”