Somaliland Army Shots Borame Boy with Somalia Flag Dead

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Somaliland Army Shots Borame Boy with Somalia Flag Dead

Post by Ducaysane_87 »

Hargeysa(SDWO 12/07/09) Dagaalo culus oo dhimasho iyo dhaawacba sababay ayaa subaxdii hore ee saaka markale ka qarxay dhulka lagu mursan yahay ee deegaanka Ceelbardaale .


Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Jiida hore ee dagaalku waxa saaka arooyadii hore ciidamada labada dhinac isku galeen Ceeriga, aaga Burdi iyo aaga Seemaal oo dhamaantood ka wada tirsan deegaanka Ceel-bardaale halkaasi oo sida la sheegay ciidan beeledku isla jiidheen Ciidamadda dawladda ee ku kala dhex jiray labada beelood ee ku dagaalamaya halkaasi taas oo sababtay dagaal adag oo ay isku waajaheen ka dib dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaadhay dhinacyada ku dagaalmaya deegaanka Ceelbardaale .


Warar naga soo gaadhaya Cusbitaalka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Cusbitaalka la keenay sadex qof oo kusoo dhaawacmey oo saaka la keenay isla markaana.


Sidoo kale waxa maanta Magaalada Boorame ka dhacey mudaharaad balaadhan oo sida la sheegay lagaga soo horjeedo falkii habeen hore lagu laayey afartii qof ee laga qafaashey jidka isku xidha Boorame iyo Gabiley,halkaas oo mudaharaadayaashu soo qaateen qaarkood sida la sheegay calankii dalka Soomaaliya,iyagoo damacsanaa in ay ku taagaan Saldhigyada Booliska iyo goobaha Maamulka Dowlada ee Gobolka Awdal laakiin waxa ka horjoogsadey Ciidanka Booliska Magaalada Boorame,waxana mudaharaadkaa ku dhintey hal wiil oo dhalinyaro ah kadib markii ay ciidanaka Boolisku ku rideen xabado ay kukala dareerinayeen dhalinyaradaasi.


Xaalada Magaalada Boorame ayaa degeneyd galinkii danbe ee maanta iyadoo,sida ay wararku sheegayaan laga soo daad gureeyey Magaalada Boorame dhamaanba Macalimiinta Jaamacada Camuud iyo ardey fara badan oo kazoo jeeda Deegaanka Gabiley,oo Jaamacada wax ku baranayey.


Geesta kale Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa sheegaya in Cusbitaalka Gabiley la keenay hal qof oo ku soo dhaawacmay Dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Ceel-bardaale ee dhulka lagu muransan yahay. Haseyeeshee, wali wararka Gabiley ka imanaya may sheegin wax dhimasho ah oo dhinaca Gabiley la keenay.


Xukuumadda Somaliland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka saaka markale ka qarxay deegaanka lagu mursan yahay ee Ceelbardaale.


Dadweynaha Magaalooyinka Somaliland ayaa walaac xoog leh ka muujiyey dagaalkan labada dhinac iyo beelaha Jibriil/Abokor iyo Samaroon ku dhexmaraya deegaanadan iyadoo guud ahaanba Shacbiga Somaliland oo canbaareeyey falkii habeen hore ka dhacey jidka u dhexeeya Gabiley iyo Boorame iyagoo ka tacsiyeynaya afartii qof ee aan waxba galabsan,ee lagu diley halkaasi.


SDWO News Desk - Hargeysa



http://www.sdwo.com/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”