Labo suxufi oo u dhalatay wadanka Faransiiska oo la Afdutay Iyo Xoog hayaha Guud ee Ururka Difaaca suxufiyint Puntland (Pujup) oo ku baaqay in la Xaqdhowra Saxaafada lana Joojiyo Afduubyada caynkan ah.
Bosaso:-Waxaa maanta lugu afduubay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka somaliya 2 Weriye oo ah ajaanib u dhalatay dalka France kuwaasi oo ay Warar ku soo qadeen sida la xaqiijiyey kooxo dabley ah oo aan haybtooda la aqoonin,Waxaana la sheegay inaan la garanayn ilaa iminka halka ay kooxa dableyda ah ula dhaqaaqeen weriyaashasi.
Ilaa iminka ma jirto cid si rasmi ah uga warantay qaabka uu dhacay afduubka kooxani geysteen oo ahaa mid kedis ah xiligii uu falku dhacay,waxaana lugu afduubtay Hoteel saxafi oo ahaa hoteel ay deganayeen walow aysan Xog rasmi ah sheegin Maamulka hoteelku.
Dhinaca kale Waxaa arintan ka hadlay oo si kulul u canbaareyey Afduubka suxufiyiintaasi Xoog-hayaha guud ee Ururka Difaaca Xaquuqa Suxufiyiinta Puntland ee Puntland Protection Journalist (Pujop)Mr-Iidle Macalin Cumar,waxaana uu gashaanka u daruuray isla markaasina ka Xumaaday inay Maalinba dhacdo Xad gudubyada suxufiyiinta ka dhan ah ee Afduubyada iyo IWM.
Xooghayaha guud Iidle Macalin Cumar ayaa sidoo kale sheegay inuu Ururka Sufiyiinta PL ee Pujop uu yahay Urur Saxaafada PL howleheeda qaabilsan balse ay xaq u leeyihiin inaysan ka Aamisin Cid kasta oo ka mida Sufiyiinta Caalamka wixii ku ah Lidi ama Meel ka dhac.
Source:
http://www.dhahar.com/article.php?articleid=7688
