Source:http://www.raxanreeb.com/?p=13652Maamulka Puntland ayaa beeniyey warar sheegaya in sarkaal ka socda xafiiska raisul wasaare Cumar C/rashiid uu kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire kuwaasi oo ka wada hadlay arimo ku saabsan socdaal la sheegay in raisul wasaare Cumar C/rashiid uu ku imaanayo degaanada Puntland.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntlan Cabdi Shakuur Mire Aadam oo manta saxaafada kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo sida la sheegay dhexmarey ergey ka socda xafiiska raisul wasaaraha DKMG ee Soomaaliya kaasi oo booqasho ku yimid magaalada Garowe.
Cabdi Shakuur waxa uu sheegay in wararkaasi aaney u jirin sida loo sheegay isagoo xusay in madaxweyne ku xigeenka Puntland oo haatan ah ku simaha madaxweynaha uu qaabilay shakhsi ka tirsan muwaadiniinta reer Puntland ee dibadaha ku nool kaasi oo kulan caadi ah la yeeshay madaxweyne ku xigeenka, laakiin aaney jirin kulan siyaasadeed oo madaxweyne ku xigeenku ku qaabilay shakhsi wata xilka ergey ka socda xafiiska raisul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
“Ma jiro ergay gaar ah oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku Xigeenka dowladda Puntland, Shakhsigaas ku andacoonaya inuu wakiil ka yahay ra’iisul wasaaraha waxaa uu madaxweyne ku xigeenku u qaabilay sidii muwaadin reer Puntland oo caadi ah”, ayuu yiri Cabdi Shakuur Mire Aadam.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxa uu beeniyey in maamulka Puntland lagu soo wargeliyey in booqasho uu degaanada Puntland ku iman doono raisul wasaaraha, taasoo uu ku tilmaamay inaysan ahayn wax hadda maamulku ka warhayo, waxaase uu sheegay inay jireen warar sidaasi sheegaya.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntlan Cabdi Shakuur Mire Aadam waxa uu sheegay in meelaha qaar ay jiraan waxyaabo ay isku diidan yihiin maamulka Puntland iyo DKMG ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
“Siyaasadda dowladda Puntland ee xilligan waa mid ku dhisan wada tashi iyo go’aan wada qaadasho, dhamaan gollayaasha Puntland, sidaas darteed ayaa waxaan jirin wax heshiis oo sharciyeysan oo dowladda Federaalka iyo dowladda Puntlan isla meel dhigeen, ama wada shaqayn iyo is faham labada dhinac wada yeesheen”, ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland oo intaas ku daray.
“Waxa keliya oo jira oo dowlada Puntland ku dhegan tahay waa nidaamka Federaalka ee ku qeexan Dastuurka Federaalka ee ku Meel gaarka ah, oo nasiib daro la moodo in beryahan mugdi la gelinayo”.
hadalka wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland waxa uu soo baxaya iyadoo dhowaanahan la hadal hayey wafdi ka socda DKMG oo booqasho ku iman doona degaanada Puntland, wafdigaas oo uu hogaamin doono raisul wasaare Sharma’arke.
Waxaa sidoo kale hadalka wasiir ku xigeenku uu muujinayaa mugdiga ku jira xiriirka DKMG ee Soomaaliya ee hadda ku sugan Muqdisho iyo maamulka cusub ee Puntland ee uu hogaamiyo Dr, C/raxmaan Faroole.
Muumin
RBC-Radio, Garowe
Ok the news-story i posted from riinji has been falsified by Puntland Information minister while he was being questioned by raxanreeb radio. Raxanreeb are trusted source of media and the information denied it.
That is good thing i don't want to see Sharif in Puntland.