Puntland Police Arrest A Chinese Man

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
usman-84
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Wed Jul 15, 2009 12:46 am

Puntland Police Arrest A Chinese Man

Post by usman-84 »

Image
Image

Ciidama Amaanka Puntland oo Qabtay Nin Ajnabi ah oo haysta Baasaboor Shiineys ah.

July 17, 2009 · Comments (7)
shiine1

Lee Yuezhong waxa uu sheegay in uu dhashey dalka Shiinaha | read this item

Cabdiraxmaan Maxamed Muuse (Ilkacase)
Horseed Media, Garoowe

Waxaa maanta lugu qabtay kontroolka waqooyi ee magaalada Garowe nin ajanbi ah dhalashadiisuna tahay dalka Shiinaha sida ku qorneed basaboorkii uu watay. Ninkan ayaa magiciisa ku sheegay Lee Yue Zhong.

Ninkaan oo maanta soo qabteen Ciidamada booliiska Gobalka Nugaal ayaa loo tixaabay saldhiga dhexee ee Magaalada Garowe halkaa oo su’aalo lugu waydiiyay luguna baarayey ujeedka socdaalkiisa.

Wasiirka Amniga Puntland Genaral Cabdullahi Siciid Samatar oo saxaafada uga warbixiyay baaritaanadii ay ku sameeyeen ninkaan ajnabiga ahaa ayaa sheegay in nikaan si sharci daro ah ku soo galay dalka islamrkaana ay Puntland xil ka saranyahay dadka ajaaniibta ah ee dalkooda yimaada in amankooda sugaan waxuuna tilmaamay in ay dib ugu celinayaan dalkii uu ka yiumid maadaama dalka Shiinaha iyo Puntland xirir wanaagsan ka dhaxeeyo.
Lee Yuezhong waxa uu sheegay in uu doonayo in uu safar ku tago Muqdisho

Lee Yue zhong waxa uu sheegay in uu doonayo in uu safar ku tago Muqdisho

Ninkaan oo aan wax ka waydiinay halka uu ka soo socdaalay ayaa noo sheegay in uu mudo 12 sana ah uu waday baaskiilkaan soona maray dalal farabadan sida Wadamada dhaca Qaarada yurub, Qaarada africa, inkastoo tilmaamay in xiligii ugu horayasay ee baaskilkaan socdaalkiisa uu bilaabay aheed 1997 tan iyo xiligaana waxa uu sheegay in uu waday haatan ayuu socdaalkiisa kaga yimid Magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ka horna waxa uu sheegay in jabuuti uu soo maray.

“Runtii waan jeclahay Soomaliya waa markii ugu horaysay ee aan imaado waxaan jeclahay in aan kala barto oo aan socdaal ku tago dhamaan Gobalada Soomaliya gaar ahaan muqdisho ” sidaa waxaa yiri Lee Yue Zhong.

Lee Yuezhong ayaa safar Baaskiil ah ku soo maray inta badan deegaanada hoosyimaada Somaliland, waana nin caan ku ah in uu ku safro Baaskiilka, waxa uu sheegay in uu Baaskiil ku tegay 114 wadan.

Ninkan ayaa lafilayaa in sacadaha soo socda laga masaafuriyo dalka asagoo haatanba loo kaxayn doono Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari oo laga dhoofin doono sida masuuliyiintu sheegeen.

Wasiirka amniga ayaa mar aan wax ka waydiinay ninka waxa uu doonayay waxa uu yiri waxa uu noo sheegay in uu rabay Muqdisho wadankaa waa la socotaan Muqdisho inta ka sokaysa baana amaan ahyen ayuu yiri Jeneral Samantar.

Xarunta saldhiga ninkaan lugu hayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka amniga Cabdullhi Siciid Samtar taliyaha qaybta Gobalka Nugaal Cabdiraxamaan Abshir Faarax taliyaha saldhiga masuuliiyn kale oo ka socda madaxtooyada.
Lee Yuezhong

Lee Yue zhong

Ma ahan markii u horeysey ee Ajaanib aan soo wargelein maamulka lagu qabto gudaha Puntland, muddo aan fogeyn ayey ahayd markii laba ninoo dhashey dalka Faransiiska oo sheegay in ay yihiin Suxufiyiin laga masaafiriyey Puntland kuwaan oo looga shaki qabo in hadda lagu haysto Muqdisho.
Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25655/

CAJIIB :lol:
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: Puntland Police Arrest A Chinese Man

Post by oldenglish »

Puntland police are renegade mooryans.
User avatar
usman-84
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Wed Jul 15, 2009 12:46 am

Re: Puntland Police Arrest A Chinese Man

Post by usman-84 »

Oldenglish there is law to follow, if he wants to enter puntland he should organize his trip and get his visa papers sorted out. Ma ahaa inu iska soo galo wadan walbo without necessary paperwork. These ppl must learn if u want to come to puntland, sign the paperwork and get a visa...if u don't get visa you are an illegal alien and will be deported. Besides this guy was heading to hamar, so puntland police saved his life. :lol:
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: Puntland Police Arrest A Chinese Man

Post by oldenglish »

usman-84 wrote:Oldenglish there is law to follow, if he wants to enter puntland he should organize his trip and get his visa papers sorted out. Ma ahaa inu iska soo galo wadan walbo without necessary paperwork. These ppl must learn if u want to come to puntland, sign the paperwork and get a visa...if u don't get visa you are an illegal alien and will be deported. Besides this guy was heading to hamar, so puntland police saved his life. :lol:

Clearly you have never been to "Puntland" :arrow:
User avatar
usman-84
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Wed Jul 15, 2009 12:46 am

Re: Puntland Police Arrest A Chinese Man

Post by usman-84 »

I never been to puntland, but i been hamar in 2000...for about 6 months..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”