We are the last stand and like I said, my iPod is going to be sold to raise funds, it could mean enough ammunition for 5 to 10 rifles for Puntland's armed forces.
Many Majerteen boys will become Shahiideen.
Dhalinyaro Aad u tiro Badan oo magaalooyinka Burco & Laascaanood Uga hayaamay Magaalada Muqdisho Si Ay Uga Qayb galaan Dagaalka halkaas ka Socda
Written by Cabdi Naasir
Tuesday, 07 July 2009 14:39
Warar aanu ka helayno qoysas badan oo ku dhaqan magaalooyinka Burco Iyo Laascanood ayaa waxa ay sheegayaan in dhalinyaro badan oo ka tirsan qoysaskoodu todobaadyadii ugu danbeeyey safarro ugu baxeen magaalada Muqdisho.
Waxayna intaas ku dareen in dhalinyaradan sida la xoojinayo ay ka qayb galayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, oo ay isku hirdinayaan maalmahan kooxaha ka soo horjeeda dawladda iyo ciidamad dawladu.
Mid ka mid ah qoysaskaas ayaa xaqiijiyey in sadex dhalinyaro ah oo ay qaar walaalo yihiin ay u safreen magaalada Muqdisho halkaas oo sida looga shakisan yahay ay uga qayb galayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Qoysaska kale oo badan ayaa saxaafadda u sheegay magaalada Burco in ay dhalinyaro badani u hayaantay dhinaca magaalada Muqdisho iyaga oo halkaas uga qayb galaya dagaalada ka socda muqdisho.
Warar kale ayaa wax ay sheegayaan in ay magaalada muqdisho ku sii qulqulayaan maalmahan dhalinyaro badan oo 18 gobol ee Soomalaiya ka safartay iyaga oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo ay dagaalo xoogan ka socdaan.

