Jimco, July 17, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu xabsiga dhigay 20 haween ah oo u hoggaansami waayay ammar uu soo saaray maamulkaas, kaasi oo ahaa in ay haweenka qaataan Xijaab.
Haweenkan ayaa loo aqoonsaday in ay ka soo horjeesteen awaamiirta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Baydhabo, waxaana la dhigay xabsiga Magaaladaas. Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Baydhabo ayaa la arkayay iyagoo waddooyinka magaalada Baydhabo howlgallo ka sameynaya, isla markaana baadi goobaya cid aan u hoggaansamin ammarkaas.
Sidoo kalena, Ciidamada maamulka Islaamiga ah ee magaalada Baydhabo waxay dadka ku dhaqan magaaladaas cod baahiyayaal ugu sheegayeen in ay ka digtoonaadaan in ay sameeyaan ficillo burrinaya ammarka uu maamulka soo saaro.
Ammarkan ku saabsan in ay Haweenka Xijaabtaan ayaa waxaa horay loogu soo rogay Gobollada ay ka taliyaan maamullada hoos-taga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana Gobolladaas ka mid ah Jubbooyinka, qebo ka mid ah Gobolka Gedo, Shabeelaha Hoose iyo Bay iyo Bakool.
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobollada Bay iyo Bakool ayaa wuxuu mar sii horreysay ku soo rogay Gobolladaas in aan gudaha magaalooyinka gobolladaas, gaar ahaan goobaha dadka isugu yimaadaan aan lagu iibin karin, laguna cuni karin qaadka, waxaana dadka qaadka ka ganacsada iyo kuwa cunaba loo asteeyay meelo ay qaadka ku iibsadaan, kuna cunaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
