Raxan wasiiro ku-xigeeno ah iyo maayarka caasimadda oo shir

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Raxan wasiiro ku-xigeeno ah iyo maayarka caasimadda oo shir

Post by Ducaysane_87 »

Raxan wasiiro ku-xigeeno ah iyo maayarka caasimadda oo shir si heer sare ah loo soo agaasimay la yee


Written by Qarannews
Jul 19, 2009 at 07:40 AM
Raxan wasiiro ku-xigeeno ah iyo maayarka caasimadda oo shir si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshay jaaliyadda S/land ee UK‏
Birmingham(Qarannews)-Xalay (18/07/09) oo ay ahayd habeen sabti ah, axadina soo geleysay ayaa waxa magaalada Birmingham ee badhtamaha carriga Ingiriiska ka dhacay shir si heer sare ah loo soo agaasimay.
Shirkaas oo ay marti ku ahaayeen:
-Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,
-Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Md.Axmed aadan Ismaaciil (Keyse Gurey),
-Wasiir ku-xigeenka qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga Md.Axmed Xaashi Cabdi,
-Wasiir ku-xigeenka caafimaadka iyo shaqada Mahdi Cismaan Buuri, Gudoomiyaha Hayada samafalka wadaniga ah ee GAVO, mudane Farxaan Adan Haybe

Ayaa waxaa iyana kasoo qayb galay qaybaha bulshada ee jaaliyadda Soomaaliland oo ka kala yimid gobolada dalkan UK.
Nuxurka shirkan oo ahaa in weftigu ka xog-waramo waxqabadkii xukuumadda ee sannadihii tegey.

Furitaanka shirka kadib waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey gabadh asal ahaan aabaheed kasoo jeedo Soomaaliland oo lagu magacaabo Diana Yuusuf,gabadhaas reer Soomaaliland ayaa hadalkeedu u dhignaa sidan:"Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan odaygayga waxaan idin leeyahay soo dhowaada weftiga Soomaaliland,waxaan salaamayaa dhamaan kasoo qayb-galayaasha, waxaan kaloo salaan taas la mid ah hawada u marinayaa dhamaan shacabka reer Soomaaliland meel kasta ooy joogaan dibad iyo gudoba,madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin,Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin,xisbiyada qaranka iyo dhamaan golayaasha dowladda,waxaan dhamaantiin idiinku hambalyeynayaa nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ka hana qaaday Soomaaliland ee aad idinku samaysateen caawimo dibadeed la,aanteed,nabadda oo ah shayga ugu qaalisan nolosha biniaadamka oo la,aanteed noloshu aanay suurtogal noqon karin. nabaddu waa furaha horumarka,oo qof kasta oo nabad haysta hor-u-socodkiisa iyo horumarkiisu waxay ku xiran yihiin dadaalkiisa shaqsi, qorshe uu degsado iyo himilo uu hiigsado.

Diana kadib waxa daadihiyaha shirka Md.Ibraahin Ducaale cod-baahiyaha uu kusoo dhoweeyey wasiir-ku-xigeenka qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga Md.Axmed Xaashi Cabdi. Mudanahani wuxuu sawir guud ka bixiyey waxqabadka saddex-wasaaradood oo kala ah:
-Qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga,
-Waxbarashada,
-Maaliyadda.
Mudanuhu wuxuu si kooban balse nuxur weyn huwan u qaadaa-dhigay waxqabadkii wasaaradahaas ee sannadihii tegey iyo qorshahooda mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Haddaan tusaale usoo qaadano waxyaabaha dadku aad ugu riyaaqeen ee wasaaradiisu qabatay waxa ka mid ah in ay sameeyeen dallad midaysa aqoonyahanka muwaadiniinta,isla markaana ay hayadaha dalka ka howlgala ay ku qasbeen heshiisna kula galeen in shaqaalihii dibadda laga keensan lahaa ku bedelaan mudnaantana la siiyo muwaadiniinta aqoontay u baahanyihiin leh ee gudaha ku sugan.
Waxa kale oo Md.Axmed sheegay in ay fureen xafiis ay ka howl-galaan 10 qof oo aqoonyahanno ah oo soo qiimeeya mashaariicda horumarineed iyo meelaha laga fulinayo una soo bandhiga guddi ka kooban baarlamaanka,xukuumadda iyo ha'yadaha samafalka si laysula jaangooyo baahiyaha horumarineed iyo haqabtirkooda.
Md.Axmed waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey waxqabadka wasaaradda waxbarashada oo runtii aad loogu diirsaday, waxqabadka wasaaradaasna waxa ka marag-kacaya booqashadii dhowaan weftigii madaxweynuhu kusoo kala bixiyeen gobolada dalka in wasiirka ugu caansan ee dadkoo dhami garanayeen uu ahaa wasiirka waxbarashada Md. Xasan X.Maxamuud Warsame(Gadhweyne),taas oo uu ku muteystay wax qabadka wasaaradiisa ee degaanadaas. Wasaaraddu waxay deeq waxbarasho u dirtaa arday badan sannad walba kuwaas oo loo kala diro:Suudaan,Itoobiya,Yemen,Masar iyo Kiiniya. Wasaaraddu waxay ka haqab tirtay guud ahaan da'yarta soomaaliland adeegyadii waxbarasho ee ay u baahnaayeen heer hoose,dhexe,sare iyo jaamacadeedba, welina way sii wadaysaa howleheeda u adeegidda da' yarta iyo abuuridda iyo kor u qaadidda tayada wershado(macalimiin) soo saara aqoonyahano badan mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Waxa wasiir ku-xigeenku ka warbixiyey sidoo kale waxqabadka wasaaradda maaliyadda isagoo sheegay in sannad walba xaddi celcelis oo dhan 25%uu dhaqaalaha dalku sare u koco taas oo ah xaddi aad u sareeya marka loo eego wadamada hore u maray oo celceliska xaddiga korodhka dhaqaalohoodu noqdo inta u dhaxaysa 2-3% sannadkiiba.halkaasna waxaad ka dheegan kartaa waxqabadka wasaaradda maaliyadda.

Waxa hadana cod-baahiyaha lagusoo dhoweeyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Md.Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse Gurey) oo isagu sheegay inuu waxqabadka wasaaraddiisa oo uu ku cusub yahay dib u dhigan doono balse uu xoogay sharaxaad guud ah ka bixin doono waxqabadkii wasaaradda arrimaha gudaha oo uu in muddo ahba ka tirsanaa intii aan loo magacaabin xilkan cusub. Waxyaalaha ugu xiisaha badnaa waxay ahaayeen in wasaaraddu bilowday qorshe lagu diiwaan gelinayo noocyada hubka fudud,ilaa haddana ay diiwaan geliyeen in ka badan 10.000 oo qori oo ay keydiyeen macluumaadka dadka qoryahaas leh si looga hor tago in qofku ku degdego inuu hubkiisa u isticmaalo si qaldan.
Waxa kale oo wasaaraddu bixisaa qarashaad loogu magac daray qarashka nabadgelyada, sannadkii lasoo dhaafayna ay ku bixiyeen $664.000. Wasaaraddu waxay qabatay 5-tii sano ee u dambeysay 8000 oo arji magangelyo doon ah oo ajnabi ah iyo tiro aan caddadkeeda go,an aanu sheegin oo barakacayaal ah(K/Soomaaliaya). Waxa wasiir ku-xigeenku sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee JSL ay qiyaas dhan 460 mayl(Mile) ka howlgalaan ,kana ilaaliyaan xuduudda baddeena.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka iyo shaqada Md.Mahdi Cismaan Buuri ayaa isaguna ka war bixiyey wax qabadka wasaaradiisa. wuxuu sheegay in howsha wasaaradoodu qabataa aad u wejiyo badan tahay culeyskeedana leedahay. Dhinaca daryeelka caafimaadka wuxuu sheegay inay u wajahaan laba qaab oo ah ka hortag ,iyagoo wacyigelinaya shacabka si ay fayadooda u dhowraan iyo qaabka daweynta iyagoo weliba culeyska saara baadhista tayada dawooyin ee dalka soo gala. Isagoo tusaale usoo qaatay dawooyin dhowaan uga yimid magaalada Cardif ee Wales oo loogu talo galay dhiig joojinta umusha,balse haddii dawooyinkaasi ku dhici lahaayeen gacmo aan masuul ahayn loo isticmaali karo in ilmo caloosha ku jira lagu dilo taas oo ah sharci darro.
Mar kasoo qayb-galayaashu weydiiyeen waxa wasaaradiisu ugu abuuri weydey shaqooyin ardayda jaamacadaha dalka ka qalin jebiya ee tahriibta iyo badda isku soo miidaamiya wuxuu sheegay inay howshaas wadaan isla markaana qurbo jooga laftiisa looga fadhiyo inay ka qeybqaataan shaqo abuuridda da'yarta dalka oo ay soo maalgashadaan dalkooda, intay canaanta iyo fadhi ku dirirka makhaayadaha la fadhiyaan. isagoo kaftamayana wuxuu yiri abwaan Axmed saleebaan bidde ayaa beri wadan ka mid ah wadamada carabta u shaqo tegey,wuxuu fariin u soo diray saaxiibkii Huryo(AHUN) oo dalka markaas joogay, wuxuu yiri saaxiib Huryoow waxaan helay shaqo iyo xoogay lacag ah markaa waxaan goaansaday inaan gaadhi kuu soo diro,markaa waan ku aqaanaa oo Huryaad tahaye markuu banjaro, taayirka ha ka bedelin ee isagoo banjar ah ku kaxee ilaa daawuhu qaloocsamo, waan ku aqaanaa oo Huryaa tahaye saliidda iyo biyaha ha ka bedelin ilaa intuu matoorku isku dhalaalayo, waan ku aqaan oo ileen Huryaad tahaye gaadhigaa waxba ha u tudhin.........
Maalintii dambe ayaa rag kale oo in gaadhi loo soo dirayo Huryo maqlay arkeen isagoo lugeynaya markaasay weydiiyeen:"waar Huryo soo adigan weli lugeynaya mee gaadhigii la soo waday???' wuxuu Huryo ku jawaabay saaxiibayaal aniga gaadhigaa canaantiisuunbaa isoo gaadhay. Markaa qurbo joogoow anna canaantiina uunbaa na soo gaadha ee wax qabadkiinu ka wasaarad ahaan weli nama soo gaadhin.
Ugu dambeyntii waxa Codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey maayarka caasimadda Md. Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir oo si faahfaahsan u lafa guray waxqabadkiisa intii uu maayorka ahaa,isagoo sheegay inuu yahay maayorkii 10-aad ee soo mara caasimadda intay jamhuuriyaddu jirtey. Maayarku wuxuu sheegay inay horumar weyn ku talaabsadeen sanooyinkii u dambeeyey taas oo ay u suurto gelisay iyagoo kor u qaaday aqoonta shaqaalaha dowladda hoose ee caasimadda.

Iskusoo wada duuboo dadweynihii madasha fadhiyey oo intooda badani ahaa dad qurbaha ku raagay ayaa aad ugu farxay una soo dhoweeyey macluumaadka ay ka heleen weftiga iyagoo sheegay inay warbaahinta ka maqlaan is qabqabsiga iyo dacaayadaha ficiltan ee axsaabta qaranka balse maanta baal cusub oo taariikh horumarineed oonay hore u ogeyn ay kororsadeen,iayoo u mahad celiyey aweftiga isu xilqaamay inay dadkooda la qaybsadaan macluumaadka ay hayeen.

Weftigani waxay u socdaali doonaan wadamada Sweden iyo Norwey oo ay ku qaban doonaan shirar noocan oo kale ah.

Sawiradii kulanka sida ugu dhakhsaha badan ugala soco Qarannews.

Qarannews desk



-pictures are not in Qarannews yet - they are in hadhwanaag -


http://www.hadhwanaagmedia.net/detail.asp?id=557
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”