Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by Ducaysane_87 »

Boosaaso(Oodweynenews)-Wefdi balaadhan oo ka tirsan xibiga mucaaradka ee KULMIYE, ayaa maalmahan-ba ku sugnaa magaalada dekeda ah ee Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland. ma cadda ujeedada dhabta ah ee safarkan.

Haseyeeshee, sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Boosaaso xubnaha wefdiga oo uu hoggaaminayo ganacsadaha sida aadka ah ugu ololeeya xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Shugri, ayaa la sheegay in booqashada safarkiisu la xidhiidho oloe dhaqaale loogu raadinayo xisbiga KULMIYE doorashooyinka soo socda.

Waxa kale, ilahaasi tibaaxeen in booqashada wefdigaasu ka dhalatay codsi uga yimi dhinaca Guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka xisbiga KULMIKYE ee GOBOLADA Bari Md. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana wararku intaa ku darayaan in wefdigu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo noqon doonaan dhinaca Somaliland, gaar ahan magaalada Hargeysa .

Maxamed Shugri ayaa ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee ka tirsan golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye, sidoo kale waxa uu ka mid yahay gudi dhawaan xisbigu u saaray in ay ururiyaan dhaqaale lagu galo doorashada fooda inagu soo haysa taasi oo ay wararku xaqiijinayaan in uu socdaalkani uu hada Boosaaso ku joogaa uu ka midyahay mid arimahaasi la xidhiidha, waxa uu Maxamed Shugri uu mari doonaa meelo badan oo xisbiga Kulmiye u qorshaysan, oo la filaayo in uu dhaqaale ka heli doono xisbiga Kulmiye.

Xisbiga kulmiye ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiliganbi sidii uu dhaqaale uga heli lahaa, doorshada soo socota ee madaxweynaha iyaga oo isku dayi doona cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland, sida ay hada wadaanba, waftigan Maxamed Shugri ayaa dhuumasho dalka kaga baxay iyada oo uu isagu ku macneeyay socdaalkiisa mid ganacsi, hase ahaatee xaqiiqda ka fog.

Saalim Xasan
Freelance Journalist/ Boosaaso
Somalia


http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9075
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by paidmonk »

Are they taking notes in Puntland on how elections work since most of them haven't seen one since their last child was born...?
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by Khalid Ali »

paidmonk wrote:Are they taking notes in Puntland on how elections work since most of them haven't seen one since their last child was born...?

fara taag is simple jamac farax , futoolu ugu riiday
daahir afqudhac Ilkamouse buu ugu riiday
wa barlamaanka puntland wa very simple :mrgreen:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by sheekh-Farax-zero »

it could be the DAWARSI of the century if confirmed.
War wuxu ma waasheen,, sootay somalia ka go'een, maxay naga rabaan,,
Xisbiga kulmiye ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiliganbi sidii uu dhaqaale uga heli lahaa, doorshada soo socota ee madaxweynaha iyaga oo isku dayi doona cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland
Haddaa cadawgaaga saxiib u aragto walaalkana cadaw u aragto dhikeeday leedahay :lol:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by Khalid Ali »

Sheikh faraax don’t get your self to existed its just propaganda , non of this news was confirmed by the kulmiye sites . No Somaliland party would go and sit with the cadaw Jeberti. :down:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Post by sheekh-Farax-zero »

i hope that it's just propagada coz Bosaso is sweating with the southern IDP's
we can't afford to accomodate IDP's from north, it's beyond our capacity. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”