Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga UDUB

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga UDUB

Post by Ducaysane_87 »

Written by Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada UDUB
Jul 24, 2009 at 01:02 PM


Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday
Xafiiska Siyaasada.

Ref UDUB/XS/F-4/31 Taariikh 24/07/09

Iyada oo laga duulayo dhaqan galka xeer Lambar 37/2007, ayaa waxa dalka
laga qabtay diiwaan gelinta codbixiyayaasha, iyadoo looga jeedo in la helo
doorasho xalaal ah oo aan lahayn ku shubasho iyo codad lagu noqnoqdo.Sida
aynu la wada socono waxa Xisbiyada qaranku wada saxeexdeen inay aqbalayaan
natiijada ka soo baxda Serverka (Final Voter list). Kaas oo ay gacanta ku
hayso hay’adda Interpeace.

Waxan halkan rabaa inaan kaga hadlo war been ah oo ku soo baxay wargeyska
Haatuf iyo Saxansaxo Maanta oo Jimce ah 24 September 09, oo ay ku sheegeen
in xisbiga UDUB dibada uga baxay kulan ay xisbiyadu wada lahaayeen oo ay
kaga hadlayeen natiijada serverka oo ay ka soo baxday tiro dhan 1.2 Milyan
codbixiye. Waxanu caddaynaynaa;
• Inaanay jirin Liis rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Interpeace iyo
Komishanka qaranka toona loona soo bandhigay asxaabta qaranka si ay u
aqbalaan.Sidaa darted ma jirto meel xisbiga UDUB kaga baxay arrinta
aqbalaada serverka.
• Xisbiga UDUB waxa ka go’an in doorashada lagu galo diiwaan gelin iyo in
liiska codbixiyayasha oo la soo saaro sidii hore loogu ballansanaa
waqtigii loo cayimay.
• In doorashadu qabsoonto waqtigii loogu talagalay 27 September 09 oo aan
dib u dhac ku iman.
Dhinaca kale waxa wargeyska Haatuf ka beensheegay wefdiga deeq
bixiyayaasha ee dalka yimi oo ka kala socdey Safaarada UK ee Addis Ababa
iyo Xafiiska horumarinta Caalamiga ah ee UK ee Nairoobi, kenya oo kala ah
Colin Leeman Xoghayaha 2aad ee Safaarada UK Addis iyo Emma Morley oo ah
Wakiilka Dawladda Ingiriirska u joogta Somalia iyo Kenya (Department for
International Development) mana ahayn Swedish sida wargeyska haatuf
sheegay.
Xisbiga UDUB waxu Saxaafada Somaliland u soo jeedinayaa iyada oo lagu jiro
waqti xaasaasi ah oo doorashadii waqti koobani ka hadhay inay shacbiga u
soo bandhigaan
• Warar miisaaman oo dhexdhexaad ah
• Inaanay samayn warar kicinaya dadka oo aan xaqiiqo ahayn
• Inay si siman u soo bandhigaan wararka dhinacyada tartamaya
• Inay noqdaan kuwo raadiya xaqiiqada wararka ay u tebinayaan shacabka
(Professionals).

Omer Jama Farah
Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada UDUB


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”