Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Bogan waxaan ufuray inaan ku wadaagno Taariikhdii Ugaaskii Guud ee Absame ee la odhan Jiray Nuur Cubudhiye.
Hal gabay baan ka hayaa oo markii uusoo dhacay Geelii la odhan jiray Xaglo Liiciye..
Uu Gabyay

Sacad waa Ogaadeen Hadii Loo Abtiriyaaye
Waa Ina Aamanuud Hadii Oday La sheegaaye
Ugaaskoodu Waa Nuur Hadaan la is inkiriheeyne.

Waxaad ka heyso Ugaas Nuur cubudhiye, Taariikh, Qiso, Sheeko, Suugaan, Halkan kusoo qor fadlan..

Salaamu Caleykum
keepy
Posts: 26
Joined: Wed Jul 15, 2009 1:05 pm

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by keepy »

Sorry i really dont know much about the work of Ugaas Nuur Cubudhiye lakiin ma ayeeyo used to tell me a lot of his gabay but im not that good at gabays.
But i know about this gabay were he is saying Sacad waa ogadeen.
and yes indeed its Sacad siciid gumcaadle reer makahiil reer abdulle
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by hanqadh »

ninyahow mar baan meel ka akhriyay in yaroo taariikh ah oo ku saabsan ugaaska, bal waan raadin, waan kusoo gudbin inshallah.
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Qiyaas ahaan Ugaas Nuur cubudhiye wakhtigiisu wuxuu ku Aadanyahay around 1830 ilaa iyo 1889kii.
Ugaas Nuur Cubudhiye waa, Ugaas Nuur , Ugaas Warfaa-Aar, Ugaas Magan, Ugaas Warfaa, Ugaas Xirsi, Ugaas Khalaf.
Waa Jilibka Bundhiga u ahaa Saldanada Ogaadeen, Intii ka dambeysay Saldanadii Bartire ee ka talin jirtay Ogaadeeniya.

Absame markii laga hadlayo, Saldanada u horeeysa waxaa lahaa Jidwaaq, mida ku xigta waxaa lahaa Caabudwaaq (Tolomoge), Khaasatan Saldanada Caabudwaaq Tolomoge waxey leedahay xusid gooni ah, maadaamo ay noqotay saldanadii ugu horeeyay ee Ogaadeen ee dagaal fool ka fool ah la gasha Jidwaaq, Mar labaadna noqotay beeshii ugu horeeysay ee duulaan dhul balaadhsi ah ku qaada, dhulka maanta loo yaqaan waamo.

Ta ku xigtayna Makaahiil, Midii u dambeeysay ilaa eeggana waa Baahale.
Mida Baahale waa dhowr xukun oo kala ahaa, Garaado oo reer isaaq ah, Ugaasyo oo Reer Cabdille ah, Ugaasyo oo Cowlyahan ah iyo Sayidiin oo Bahgeri ah, Suldaamo oo Reer Cismaan ah.

Dib markaan ugu soo laabto saldanadii Ugaas Nuur Cubudhiye. Wuxuu saldanada dhaxlay iyadoo heerar kala duwan soo martay.
Maalinguur (Reer Ugaas Samatar) Ugaas Gooni ah bay lahaayeen, Inkasta ooy maamulka wax kaga jireen saldanada nuur cubudhiye.
Inyar oo Ugaaska Shaqsiyan ku saabsan hadaan idhaahdo, Ugaaska Faraskiisa waxaa la odhan Jiray ( Qeylo-Dhaanshe).
Nin duulaan badan buu ahaa oo geelal badan soo dhacay .

Geelashii la soo dhacay Magacyadooda:

Laforuug ( Waa Geel laga soo dhacay beesha isaaq ee waqooyi galbeed, amaanduulaha ciidankuna wuxuu ahaa Jiir Caraale Amaadin Ugaas Khalaf)

Xaglo-Liicshe ( Waa geel laga soo dhacay Hobyo, Majeerteen iyo Habar-Gidir, Waana geela sababay in Maxamed Zubeyr iyo Cowlyahan isku dhacaan, Kolkii geela si xaq-daro ah loo qeybsaday oo maxamed Zubeyr dhexdiisa uun qaybsaday)

Uugaamaleey ( Waa geelii laga soo dhacay Mareexaan, Amaanduulaha ciidanku wuxuu ahaa Xuseen Dalal Ugaas Magan)
Xuseen Dalal Ugaas gabaygiisu wuxuu ahaa ( Jeer ooy madheedh-gur soo gaadhay, wadadu uma macaanin )

Ugaas Nuur Cubudhiye ugu dambeyntii waxaa dilay Cowlyahan, Jibriil-Waafato ah. Waxeyna ku dileen meeja udhaxeysa Maraacato, Xudurayla iyo Dhuure oo astaantii maanta ku taalo.

Ugaas Faratoon-Cade oo ahaa wiilkii Ugaas Nuur Cubudhiye ayaa ku xilo-furay inaan dagaal lagu qaadin cowlyahan, isagoo ka taxadarayay inaan beeshu isku jabin.

------
FIIRO-GAAR AH: Waxaa xusid mudan in dowladii kacaanka ee maxamed siyaad barre ( Mareexaan) ay si cad u hor istaagtay Buug diiwaaneed oo lagaga hadlayay taariikhda ugaas nuur cubudhiye
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by ina aadan »

faarax-caytamoow armuu ugaasku ka horeeyay
xiligaad sheegi
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Salaamu Caleykum..
Runtii anigu ma garanin dhowrka shay eed isku khaldeyso, Taariikh jirtayna ha isku dayin inaad ka been sheegto.
Lafo-Ruug geel laga soo dhacay Isaaq buu ahaa, Oo ciidan ogaadeen ah oo kasoo duulay Hundood, Qoraxey, Webi-Shabeele iyo Doollo.
Ciidankaasi waliba hal mar kali ah masoo laabanine, Dhowr bilood bay meeja daganaayeen.
Hadalada laga xusuusto dagaalkaas waxaa ka mid ah, Ninkii isaaq ee yidhi( Baduba wey i celin) Isagoo markaas ujeedo, Dhulkii ku badbaadi waayee, baddo maan galo.
Ugu dambeyntiina isaaq ciidan bay diyaarsadeen, Ciidankii Ogaadeena waa la jabiyay oo ninkii isaaq waa kii yidhi ( Colka wadhaf malagu dayay) oo macnaheedu yahay maan dagaalano.

Raggii Ogaadeen ee guusha ka gabyay waakii yidhi:

Gidigiis Ogaadeen markuu guluf u heenseeyey
Idinkoo gawaan jabay baqaha kama gayootaane
Bada gowtigeediyo idinkoo, goof ku kala dhuuntay
Maalintii girkaa iyo girkaa weerarku is gaadhay
Waxaad geel lahaydeen markii, laysu wada geeyey
Gor-Gorkii Ogaadeen Kolkuu Libin ku geeraayey
Sanad iyo weliba googo’ bay, gebogebaysnayde
Lafaruug gatkii saaladii, waa geddii waliye
Iyadoo gardhadu suuftahoo, boqol garaarood leh
Goojoraaxo iyadood timaha, goray haldhaa moodo
Galaalada markay ciirisee, ramadku guuxaayey
Shinni gode sideedii markay, garawo xiimaysay
Gegidii bannaanayd markay, gaydho ololaysay
Gurxankii Magaal-buro iyadood, roob gudgude moodi
Goroflagadka naasaha markay, labada gees hooshay
Waryaa Daba-gabaasaay markay, garawo ooyeysay
Ee gaanigeedii nasrada, daba garaacaayey
Giddi Reer Wagaash waw dhannaa, gulubo luudkiiye
Gol libaax ka duufsaday atoor, foodda gelin waaye
Waydinkii ka gaabsaday inaad, geela ridataane

-----------------------------------------------------------------
Samatar oo ahaa Xarbi Ismaaciil Awoowgiina waa kii yidhi isaguna isagoo ka hadlaya dagaalkii laforuug iee isaaq lagu qaaday, Iyo geelii ku xigay ee isaaq laga soo dhacay ee isna loo bixiyay Maal-Gooye:

Daad-xoorta waa tii lafuhu dibada yaalaane
Lafaruug dabkaan kugu shidiyo digadii baa taale
Deyr adag intii loo dhigaan doonay kii hadhaye
Sango duubi weyn iyo darmaan orodka sii daysa
Dabra celinta waatay farduhu idin dul joogeene

Idinkoon dagaal hidin karayn dumarna aan dhaamin
Waatay Dabacayuunoow laheyd maad igu dirirtaane
Duqaydiinu way wada ogtahay dibirtii Maal-gooye
Waa taad durduradii badweyn doon ku gudubteene ( Hadalkii Ninkii isaaq yidhi buu ka tusaaleynayaa ee ahaa ( Baduba way i celin)
Iidoor dulliga gaadhay iyo dakharadaan gaystay
Waa waxay adhxaha daacsaniyo dari la yeesheene

-------------------------------------------------------------------------------------
Hadaan intaas kaga gudbo su,aashii Laforuug iyo Nuur Cubudhiye, Aan ka jawaabo su,aashada kale ee ah, Ugaas Xaashi.
Ugaas Xaashi wuxuu ahaa, Ugaas Xaashi, Ugaas Faratoon, Ugaas Nuur CUbudhiye.. waa isu awoow.
Su,aasha Labaadna, Raage Ugaas Warfaa, Cumar Ugaas, Faarax Samatar, Guuleed Ugaas Samatar weeye oo waa Maalinguur.
Sidaan Horay usheegayba, Ugaasyadu waxey ahaayeen dhowr, Raage Ugaas Warfaana ma,aha Reer Ugaas Warfaaga Dega Qabridahare, Waa Ugaas Warfaa Maalinguur ah oo reer nogbeed ah.

Ufiirsasho Gaar Ah: Abtir ahaan baan ku saxay Wakhtiga uu Noolaa Ugaas Nuur cubudhiye, hadii ayna ahayna waan ka cudur daaranayaa.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by ina aadan »

XKeyse_ wrote:Labada gabay eed soo qaadatay ba waxa la tiriyay 200 ama 300 oo sanadood ka dib dagaalkii Lafaruug. Xarbi Ismaaciil awowgii nin fog ma ahayn goortu dhacay dagaalkaas Lafa Ruugna ma dhaweyn, guushan aad isa siisayna maan gal maaha sabab 1870gii Garxajis wuxu ogaadeen ka riixay Hara-Dhiig oo dhan, oo dilkii Cali Garaad (Garaadka reer Isaaq) iyo sheekadii maahmaahdii Xirsi Amaan " laba gob kii beer jilicsan baa Jaba" ma dhawayn. Samatar oo noolaa 1910 gabay aad ku sheegtay oo ka danbeeyay dhacdadaas 50 ilaa 60 sanadood qiimo weyn samayn maayo, halkay Lafa-Ruug ku taalana waa la garanayaa halkay Hara-Dhiig tahayna waa la garanayaa, nimanka intaas ba kaa riixay kaa dhagaysan maayaan anakaa guusha wadanay.
waryaa beenale ayaad tahay e cali garaad cidna maany dilin e walaalki cabdi garaad baa dilay suldaankii habar yoonis ee la odhan jiray suldaan cawad
eed markii dabena gabadh u guuriseen
aniguu awawgay ii yahay cali garaad yuusuf garaad
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Sheekada Taariikh ba socotee, ha ina xumeeynina.
Xkyse, waxaan ku weydiiyay, Xirsi Amaan wiilkuu dhalay soo looguma wanqalin Wiilkii udhashay Garaad Wiil-Waal, Wiilkii loo bixiyay Garaad Askar Garaad WiilWaal.
Bartire markuu wiil u dhasho waxey ugu wanqali jireen wiil isaaq ah .
Garaad WiilWaal waa kii lahaa:

Ceelkuu CiidoGale Hiifta iyo Hooga Kala luuday
Ee Iidoor Habtii Iyo Habo-Bacdii raacay
Ee Habaryoonis iyo Isaaq lagu haweeneeyay
Miyaa Afar nin oo Heed Qodaa hadh isasoo taagtay


Xirsi Amaan Wiilkuu dhalay waxaa dilay Bartire, sababtanu aheyd wanqalkii Wiilka Garaadka udhashay.
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Horta laguma muransana in wiilkii Suldaan Xirsi Amaan loogu wanqalay Wiilkii Garaad WiilWaal, oo wiilka dhashayna loo Bixiyay Garaad Askar.
Marka Waa kii la xujeeyay Xirsi AMaan, ee Garaad Wiil Waal Yidhi..( Xirsiyoow ciidankaaga sideed ku dagaal gelisaa, ee uu yidhi shaabug baan la dhacaa, markaan ciidankeyga dagaal ku qasbayo)
Garaad WiilWaalna uu yidhi ( Ciidankeygu Fardo iyo Warmo markaan soo hordhigo iyagaa umohda dagaalka).
,,,,,,,,,,,, Hadaan Taas kaga Gudbo.

Garxajis dhulkan uu soo dego waxaa ugu horeeyay 1900, Waana inteey Ingiriiska la sixiideen nabadgalyda, ee geela iidoorka lagu raaci jiray askar ingiriis ah.
Awooda ingiriiska eed hoos gasheen baad ku haweysteen dhulkii daaroodka ood runtii guulo badan ku gaadheen

Cadeeymaha arintaas Sheegaya, Awoowda Ingiriisku siiyay Ciidamadiisii Isaaq ahaa:

Saafi Bulux ( Reer Isaaq, Reer Cali)

Isaaq maganti kuma dhaansadeen, toban ayaamoode
Ingiriis ma yeeline kuwii, na ublikeynaayey
Labadeena oday baa ahayd, ab u collowgaase
Arxan horaba noogama dhaxayn, aniyo Iidoore
Naga aarsade nimankii garbaha, iinta ku lahaaye

-----------------------------------------------------------
Maxamuud Axmed Cali Bidhiidh ( Makaahiil, Abraahiim)

Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye
Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe
Qunyar kaadso oo dhawr, sidaan kuu qabiran doono


---------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan Yuusuf (Reer Cabdille, Reer Ugaas Warfaa)

Iidoor Dir weeye haduu duulaan soo kiciyo
Dunji Habar-Magaadluhu haduu dabarka soo goosto
Dumbukh iyo rasaasuna haduu dabacsanuhu siiyo ( Ingiriiska)

-----------------------------------------------------------------
Xuseen Hudle ( Reer Cabdille,Reer Ugaas Warfaa)

Ala Wiilka May Joojiyaan Wagashka iidoor
Waxaad hadaad taqaan Ferenjiga Wehel ma moodeene
Waagii Baryaba Awrta Gaalada lama wareegteene

----------------------------------------------------------------------
Maxamed Cumar Dagge ( Reer Cabdille, Reer Ugaas Warfaa)

Hadaan gaalku noo dilin, isaaq dalab ma maaleen dheh

------------------------------------------------------------------
Sayid Maxamed Cabdille Xasan ( Bah-Gerri, Xamar Baahale)

Naasilo xun baa lagu yaqaan,nimanka Iidoore
wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurta lahaaye
Nasab hadaad tihiin gaaladaad,nici lahaydeene .

------------------------------------------------------------------
Xarbi Ismaaciil Samatar ( Reer Isaaq, Reer Cali)

Haduu Gaalkuu noo kiin dhiiboo maanta naga dheelmo
Dhala-uus Dhabaha Qaaliyeed, Dhinaca Buunshaale
Xeryahaan Kaliil Horre ku dhacay Dhaafin meysaane
Dheehaay waxaan kaa maqnahay Dhibica deyreede
Dhaqaaleeya Geeliinu waa ina dhaxeeyaaye

------------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan Yuusuf ( Reer Cabdille, Reer Ugaas Warfaa)

Dhaandhaanka tagay sow Berbera, lama dhaqaalaynin
Sow gaalka dhoorkale dadkii, wax uma dheeraynin
Sow dhabanno-hays iyo la yaab, kaa aan dhigay ma aha
Sow haatan dhuubkiyo mudadadu, igu dhamaanmayso

--------------------------------------------------------------------
Xarbi Ismaaciil Samatar ( Reer Isaaq, Reer Cali)

Rag Qabiilo Weyn iyo Gob baan soo qareensadaye
Iidoorka Qeylkiisa Xumi iguma Qooqeene
Nin qisaasi keentaan ahaye Qadow ma joogeene ( Awoowda ingiriiska sheegaya)
Inaan Qoorta Laad-Laadiyoon QUustay la imoodye

-------------------------------------------------------------
Faarax-Nadiif Cadde ( Reer Cabdille, Reer Ugaas Warfaa)

Dad abaaal ma gudo waxaadse tahay, Dagayow Iidoore
Wax Ingiriis dooni een daar ahayn, duga e yaa sheega?
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Queen_Arawello »

XKeyse QURMIX meesha laga ma rabo :arrow: :arrow: :arrow:
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Faarax-Caytame »

Hadalkeenu Mindi-Mindi ku taag yuusan noqonin.
Cimrigaagoo raagay, Iidoor iyo Daarood ku murmaya keenee gaal jecelna waa la sugahayay.

Intuusan Ingiriisku imanin, Iidoorka caruurtooda yaa lagu wanqalan jiray oo muran ka keeni meysid, Geella iidoor waxey ku raacan jireen Kolba Qoladii Ogaadeen ee gabadh ka qabta.
Iidoor maxaa la idinki baxshay? Waa Gabdhihii aad iska soo hormarin jirteen markaad ceel ka cabaysaan ama arini jirto
Maxaa cadeeyn u ah?
Maxamuud Cali Beenaleey ( Reer Isaaq, Reer Cali):

Waa taan Maryamo-Luuli iyo Magacyo Sheegaaye
Waa taan Nin aan Maaganeyn maro u saaraaye
Waa Taan Maryamo Luuli iyo Magacyo Sheegaaye

-------------------------------------------------------------

Ingiriiska wixii ka horeeyay In Geela Iidoorku ay ku raacan Jireen Magac Ogaadeen maxaa u cadayn ah:

Baarxawle( Reer Cabdille, Aadan Kheyr, 250 Years Ago)
Badda jeexayaa iyo bariga, jaanta mariyaaba
Walee geel jacaylkaan u qabo, waw jirabi ruuxa
Oo Iidoor Jiridkaan ku rogi laga jalaal-qaadi

-----------------------------------------------------------------

Nolosha Guud ee Iidoor ku noolaa intii ingiriis ka horeeyay maxaa lagu tilmaami karaa:

Maax Dhagoole ( Reer Isaaq, Reer Cali)

Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore
Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye

Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane
Irriduu yaxoobaa sidii, ood fadhiisin ahee
Uurtuu ka reemaa sidii, igadh cayuumeede

Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge
Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye
Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye
Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe
Ilmahana galabtuu iman, aabbihii dhalaye
Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore

-----------------------------------------------------------------

Adigoon Murmeynin, Dadka sidaas ah dhulkeey riixan kareen Awooda Ingiriiska La,aanteed?
Last edited by Faarax-Caytame on Wed Aug 12, 2009 10:20 am, edited 1 time in total.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by ina aadan »

Faaraxow ninkan aa la kalaamaysyd waa mi aanay waxba
ka dhaadhacayn oo hadan beenale ah
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by hanqadh »

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

khalid anaku ma nihin nimanka ingriiska dabadoonka u ahaa ee ilaa hindiya ku lumay....ee missionarigu ka faai'daystay, miskimiin....do yourself a favour and dont bring up qashin, doqonimada fiiri, adi waad qiratay inaad gaal raac iyo xabashi raac ahayd, markaasaad ceebtaas rabtaa wax kula wadaaga..kkk...british somali tribe's :up: :lol:

ninkan ina kuus maydaan fahmin , he's trying settle old score's, that we settled in the plains of the hawd centuries and decade's ago.....keyse soo nimankii geelii indha badane ma tihid..kkkk....the biggest camel heist infront of your eye's and middle finger to go with it, reer cali...kkkk..dont go to siyad barre as an avenue everytime your silly assumptions are dismissed.
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Queen_Arawello »

:lol: @ the two sarqans ( XaarKeyse + Khad-lid..tariqta runta ah wa la yaqana, idoor have always polished gaalo shoes :arrow: :arrow:

iiidoor iyo kufriga wacad allaw yaale
nasab hadaad tihiin gaaladaad nici lahaydeene
..
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Taariikhdii Ugaas Nuur Cubudhiye

Post by Queen_Arawello »

hanqadh wrote:kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

khalid anaku ma nihin nimanka ingriiska dabadoonka u ahaa ee ilaa hindiya ku lumay....ee missionarigu ka faai'daystay, miskimiin....do yourself a favour and dont bring up qashin, doqonimada fiiri, adi waad qiratay inaad gaal raac iyo xabashi raac ahayd, markaasaad ceebtaas rabtaa wax kula wadaaga..kkk...british somali tribe's :up: :lol:

ninkan ina kuus maydaan fahmin , he's trying settle old score's, that we settled in the plains of the hawd centuries and decade's ago.....keyse soo nimankii geelii indha badane ma tihid..kkkk....the biggest camel heist infront of your eye's and middle finger to go with it, reer cali...kkkk..dont go to siyad barre as an avenue everytime your silly assumptions are dismissed.
:lol: :lol: :lol: Hanqadh not only did they used collect tax for the British and imperial forces, kabaha xata bey u qaadi jiran..and in this day and age the Queen of England bey u suujudan..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”