Alshabab oo qafaashay 300 haween ah oo jilbab iibsan karin

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Moguul21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2804
Joined: Tue Jul 15, 2003 7:00 pm
Location: 10,000 lakes
Contact:

Alshabab oo qafaashay 300 haween ah oo jilbab iibsan karin

Post by Moguul21 »

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo beenisay in 300 oo haween ah ay ugu xiran yihiin Saldhigga Degmada Balcad

Arbaco, July 29, 2009(HOL):Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka jirin warar ay sii daayeen qaar ka md ah warbaahinta Soomaaliyeed, kuwaasi oo ahaa in Haween badan ay Xarakada ugu xiran yihiin Saldhigga Degmada Balcad.

Wakiilka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Shiikh Maxamed Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in wararkaas ay yihiin kuwo war-xumo-tashiil ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, wuxuuna caddeeyay in aaney jirin haween saldhiggaas ku xiran oo 300 oo ruux gaaraya.

“Sida laga warqabo Saldhigga Degmada Balcad 300 oo ruux iska daaye xitaa ma qaado 30 ruux, taasina waxay muujineysaa sida hadalkaas uu been u yahay”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo sheegay in warkaas ay faafiyeen dad sida uu yiri cadaw ku ah Islaamka.

Hadalka uu sii daayay mas’uulkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay soo baxayeen warar ku saabsanaa in saldhigga degmada Balcad oo ay gacanta ku heyso xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku xiran yihiin tiro haween ah oo lagu soo eedeeyay in ay u hoggaansami waayeen ammar la faray oo ahaa in ay xijaabka qaataan.

Dhanka kalena, Wakiilka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay iyaga bixiyeen ammar lagu kala saarayo haweenka iyo ragga, gaar ahaan marka ay gaadiidka dadweynaha raacayaan, wuxuuna ugu baaqay ragga iyo haweenka Muslimiinta ah in ay arrintaas la socdaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”