Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta loo gacan geliyay Mooshinka xukunka deg deg ah ee dhowaan uu soo jeediyay Golaha Wasiirada isla markaana uu aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya.
Kulan Baarlamaanka uu ku yeeshay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa loogaga hadlay mooshinkaas, iyadoo Kulanka Baarlamaanka lagu dhaariyay ilaa 8-mudane oo ku soo biiray Baarlamaanka.
Buuq iyo sawaxan hareeyay Baarlamaanka ayaa la sheegay in dhalisay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka isku gacan qaadaan, taasoo keentay in Fadhiga lagu kala dareero saacado.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amray in fadhiga laga saaro Mudanayaasha, isla markaana dibada loo saaro, waxaana markii dambe Fadhiga Baarlamaanka soo fara geliyay Ciidamada AMISOM oo u muuqday kuwo kala dhex galayay Xildhibaanada is feeray.
Buuqan ayaa salka ku hayay dhaarinta ilaa 5-xubnood oo ay diidanaayeen dhaarintooda Xildhibaano dhowr ah, kuwaasoo ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu wado cadaalad daro.
Si kastaba ha ahaatee Fadhiyada Baarlamaanka ayaa waxaa caadi ka noqday in Xildhibaanada isku gacan qaadaan, taasoo aheyd mid soo jireen ah oo ka soo bilaabatay 17-kii Marso ee sanadkii 2005-tii xilligaasoo isku tumeen Magaalada Nairobi.






