
Waxaa lagu wadaa Haduu alle idmo in Maalmaha soo socda ka soo Dagto Garoonka Ber Bera Diyaaradii la wada Sugayay ee Boin 737 oo ay kuu Keentay Shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airways oo aad uga barateen Duulimaad Raaxo leh iyo Adeeg Dheeri ah.

Dadkii ugu horeeyay ee ku Safraya Diyaarada Cusub ee Boin 737 ayaa buux Dhaafiyay Xafiiska Diyaarada Jubba oo aan ka Fogayn Suuqa caanka ah ee Shiraaqle kuwaasi oo isku Dii,waan Galinaya in ay ka mid Noqdaan kuwa ugu Horeeya oo Ku Duulaya Diyaaradaasi Cusub ee Boin 737.

Diyaaradan lawada sugayay oo midabkeeda yahay cadaan ayna ku qorantahay astaanta Shirkada Jubba Airways ayaa markiiba ay Raaci karaan ku dhawaad ama in ka badan 100-qof, waxayna iskaga kala Gooshi Doontaa Soomaaliya, Somali-land, Nairobi, Jabuuti, Dubai iyo wadamo kale.
Mid ka mid ah Dadkii Rakaabka ahaa oo Maalmaha soo socda ku Safraya Boin 737 Kuna Qanacsanaa in uu Raaco Diyaaradan Cusub ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu ku Duulo Diyaarada Casri ah, hadana ah Boin 737 oo ay farsamayso Dowlada Caalamka Ugu Tunka wayn ee Maraykanka, waxa uuna Xusay in Nasiibkiisa uu ku soo beegay Howlgalka Diyaarada Cusub oo ay keensatay Shirkada Jubba Airways oo ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee ka Howlaga labadan Gobo lee aan soo sheegnay, asaga oo u Mahadceliyay Maamulka Shirkada ee isku Howlay Raali galinta Macaamiishooda.
Dadka u Dhuunduleela Howlaha Dhinaca Duulimaadka ayaa Boga Dayniile waxay u sheegeen mar uu ka Waraystay Howsha Diyaaradani iyo wax qabadkeeda in wax wayn ay ka badali doonto Diyaarada Cusub ee Boin 737 howlihii Duulimaadka ee Horay u jiray.
Waxayna sii Raaciyeenn oo ay sheegeen in loo baahanyahay in markasta laga qayb qaato Hormarinta iyo dib u Dhiska Adeega Duulimaadka oo ah mid Muhiim u ah Bulsho walba oo jirta.
Xafiiska Jubba Airways ay ku leedahay Magaalada Hargaysa oo maalmihii la soo Dhaafay Mashquul ahaa ayay Howlwadeenada Xafiiska waxay ku howlanaayeen Diiwaan galinta Rakaabka ku Safraya Diyaarada Cusub, waxa uuna Noo sheegay howl Wadeen ka tirsan Xafiiska oo ku Mashaquulsanaa Diiwaan galinta Dadweynaha, in ay is Diiwaan galiyeen Rakaab kor u dhaafaya 200- kuwaas oo uu sheegay in maalmaha soo socda ay ku Qoranyihiin Howlaha Dhoofka.
Shirkada ku Caan baxday Howlaha Dhinaca Duulimaadka laguna tilmaamo in ay ka mid Tahay Hooyooyinka Duulimaadyada ayaa waxay ka mid tahay Diyaaradaha fara ku tiriska eek u dhawaad 15-ka sano in ku dhaw shaqaynayay.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin44@hotmail.com
--------------------------------------------------------------------------------
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
--------------------------------------------------------------------------------
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com