Page 1 of 1

Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 4:12 am
by CoolPoisons
Meel 7Km u jirta deg.B/xaawo ee G/Gedo oo ay soo gaareen ciidamo ka yimid Doolow

Wararka ay Shabakadda Gedoweb ka heleyso degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegayo in ciidamo fara badan oo ku hubeysan baabuurta dagaalka ee Tiknikada oo oo ka yimid degmada Doolow ay soo gaareen meel qiyaastii 7Km u jirta degmada Beledxaawo, waxaana xiisad colaadeed laga dareemayaa magaaladaasi

Mas’uuliyiinta iyo dadka deegaanka Beledxaawo ayaa xaqiijiyey in ciidamadan ay yimaadeen xalay deegaanka Mal-Kaariyey oo 7Km waqooyi bari kaga beegan degmada Beledxaawo, xigtana dhanka degmada Doolow, wararka ayaa intaasi ku darayo in ciidamadan ay wataan gaadiid dagaal oo tobaneeya inka badan lagu qiyaasay iyo ciidamo boqalaal gaarayo oo dress- isku ag xiran.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay hoggaaminayaan saraakiil isugu jirta kuwa maamulkii gobolka Gedo iyo wadaadada Ahlu-Sunna Wal-Jameca, xiriir aanu isku daynay in aan la sameyno mas’uuliyiinta ciidankaas horkacaya nooma suurtagalin sababo la xiriira telephones-kooda oo hawada ka maqanaa.

Arrintan ayaa keentay in saaka xiisad colaadeed laga dareemo magaalada Beledxaawo, cabsi xooggan ayaa dadweynaha soo wajahday oo ay kaga baqayaan dagaal magaaladooda ka dhaca.

Xaaladda ma cada gobolka sida ay ku dambeyn doonta, sargaal u hadlay hoggaanka ciidamada Doolow waxaa uu warbaahinta u sheegay in ay duulaan ku soo yihiin gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Gedo.

Cabdi Ruush
Garbaaharey.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=2484

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 4:13 am
by CoolPoisons
Xitaa darka ciidanka Jubaland baa u xiran

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 4:38 am
by zingii
Let the countdown begin.

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 7:37 am
by paidmonk
Gedo section is on the map again, time to put this back on my bookmarks.

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 7:43 am
by CoolPoisons
War ciidankan Gedo kali looma talogelin. Waxay xoreenayaan Jubaland oo dhan ma garatay

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 1:16 pm
by Voltage
paidmonk wrote:Gedo section is on the map again, time to put this back on my bookmarks.
:lol: :lol: :lol:

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 3:03 pm
by Murax
:lol: :lol: Just posted this

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Sun Aug 16, 2009 9:12 pm
by Advo
Interesting devolopment, I hope they take the fight outside the city.

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Mon Aug 17, 2009 5:22 am
by snoop12
Advo sick avatar :up: 8-)

viva Barre Hiiraale true marexan leader :som: :som: :som:

Re: Murax i got latest news. There 7km to Beled Hawo

Posted: Mon Aug 17, 2009 2:36 pm
by zingii
You need to share your avatar. :mrgreen:

I need a copy if i speak for my self.