Puntland unifies education System + Omar Samatar best high s

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Puntland unifies education System + Omar Samatar best high s

Post by sheekh-Farax-zero »

Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay 11 sanno ka dib in ay mideeyaan Manaahijta Dusgiyada sare ee Puntland, waxaana shalay looga dhawaaqay arrintan Wasaarada Waxbasharada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Wasaarada Waxbarashada ayaa ku guuleystay keenida qorshahan oo ay mudo dheer keeniwaayeen Wasaaradihii ka horeeyey, waxaana laga soo bilaabo 1998-dii ay Dugsiyada sare kala ahaayeen kuwa kala mawqifyo duwan, balse hada la gaaray waqtigii la mideyn lahaa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa shalay kaga dhawaaqay caasumada Puntland, wuxuuna sheegay in ay dhamaanba Manaahiijta Dugsiyada Sare la mideeyey, isla markaasna ay isku wax dhigan doonaan Ardayda dhigta Dugsi sare oo walba oo ka jira Puntland.

Kulan dheer oo mudo todobaad ah usocday Maamulayaasha in ka badan 38 Iskuul oo kuyaala Puntland, ayaa go'aamiyey in qorshahaasi la taabagaliyo, ayagoo isku raacay in ay talaabo wanaagsan tahay, waxa ayna talaabo horukac ah ku sheegeen talaabadan maanta la qaaday.

Agaasimaha Qeynta Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta ee Puntland Cali C/laahi Warsame, ahaana Lataliyihii howshan balaaran soo agaasimay, ayaa sheegay in ay wadayaan dadaalkan, wuxuuna ku wareejiyey Wasiirka Waxbarashada qoraal ay ka soo sameeyeen 12-ka Maado, ee lugu barto dugsiyada Sare ee Puntland.

Wasaarada Waxbarashada ayaa shaacisay in ay sannadaha nagu soo dhaw ay waraaqaha urogi doonto Buugaag, ayna geyn doonto meel walba oo ka mid ah Dugsiyada sare ee Puntland, waxa ayna shaacisay in aysan ka fariisan doonin Qorshahaasi.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa ka mid noqotay wasaaradaha ka soo dhex muuqday waqtigan Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole, waxa ayna qabatay waxyaabo badan oo ay ku amaanayaan dadka Reer Puntland, ayadoo markii ugu horeysay utagtay dalalka Caalamka qaarkood in la aqoonsado Shahaadada Dugsiyada sare ee Puntland, taasoo noqotey mid ay ku farxeen Shacabka gobalada Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”