Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharma’arke ayaa lagu wada maanta oo isniin ah inuu booqasho u ku yimaado degaanada Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed halkaas oo lagu wado in u la kulmo Saraakisha sar sare ee Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud oo wareysi siiyey La’aanta Af Ingiriiska ee VOA-da, ayaa waxaa u sheegay in u Ra’isul wasaaraha uu safarkiisa u maanta ku imaan doono Degaanada Puntland u ku wajahanyahay isla markaana Madaxda Puntland kala hadli doono sidii Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uga wada shaqayn lahaayeen arimaha Milateriga iyo sidii xal kama dambays loogu helo lahaa Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
”Ra’iisul wasaaraha waxaa u degaanada Puntland safar ahaan u ku joogi doona labo ila 3-maalmood,waxaana u noqonaaya markii ugu horeysay oo uu safar ku tago Puntland tan iyo markii uu noqday Ra’iisul wasaare.waxaan rajaynaaya in safarkiisa ay ku wehelin doonaan Wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada iyo sidoo kale Ururada Bulshada”,ayuu yiri Farxaan Cali Maxamuud.
Wasiirka ayaa beeniyey in Ra’iisul wasaaraha uu safarkiisa ka dambeeyay dilkii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Wadaado Baaskitaaniyiin ah oo gaareeyey 7-qof kuwa oo lagu dilay shan ka mid ah Masjid ku yaala Galkacyo.
”Safarka waxaa u qorshihiisa bilaabmay 3-bilood ka hor,mana u tagaayo arimo ku sabsan Dilalkaasi ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
”Maamulka Puntland waxaa u kala hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayeen dhinaca amniga,waxaa maanta ka dhaca Muqdisho, saamayn waxay ku yeelan karta Puntland,marka iskaashi dhex mara puntland iyo Dowladda Federaalka ah waa arin munaasib ah ayuu yiri” ayuu yiri Mar kale wasiirka warfaafinta dowlada Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ka socda qaban qaabo xoog leh oo Madaxda Puntland ay ka wadaan, taasoo lagu soo dhaweynayo wefdiga Ra’iisal wasaaraha.
Ugu dambayntii Farxaan Cali Maxamuud waxaa u Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ku amaanay Nabada iyo Xasiloonada ka jirta degaanada ay ka taliso oo ay dadweyne fara badan ku noolyihiin.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Goor-dhaw soo gaaraya Puntl
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 286 Views
-
Last post by sheldibow
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 394 Views
-
Last post by damu
-
- 13 Replies
- 555 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 459 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 5 Replies
- 1149 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 9 Replies
- 1395 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 8 Replies
- 529 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 13 Replies
- 1299 Views
-
Last post by Individual