Horseed Media
Gaalkacyo, Puntland
Waxaa maanta xilka la wareegaya maamulka cusub ee loo doortay Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo, oo dhawaan loo doortay hogaan cusub iyo Duqa magaalada.
Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacstada magaalada, isla markaana kasoo jeeda reer si weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta la wareegi doona maamulida magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Xilkan culus ee loo doortay Duqa cusub ayaa noqonaysa xilka ugu culus ee degmooyinka Puntland, xili ay magaalada Gaalkacyo si weyn u saameeyeen falal amni xumo ah.
Doorashadii Duqa magaalada Gaalkacyo oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta dowlada Puntland intooda badan oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa waxaa lagu wadaa in ay xigi doonto magacaabida Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug.
Dhawaan ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha Puntland uu magacaabo Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug, xilkaasi oo horey looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Cabdiraxmaan Geeseey.
Inkastoo xilka Duqa magaala ay ku dhacday hab doorasho ah, hase yeeshee Guddoomiyasha Gobalada Puntland ayaa ah mid uu magacaabo Madaxweynaha.
Wararka Horseed Media ka helayso xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadalado badan oo uu Madaxweynaha la yeelanayo beelaha gobalka Ku dhaqan, ayadoo aysan fududeyn magacaabida xilka Guddoomiyaha gobalka Mudug oo ay u hanqal taagayaan siyaasiyiin badan oo kala gedisan.
Todobaadkii hore ayaa la doortay Golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, oo ka kooban 29 xubnood. Dhismaha Golaha Deegaanka ayaa qeyb ka ahaa caqabada ugu waaweyn ee ka jirtay deegaanka.
Dhinaca kale waxaa markii ugu horeysay la kala jaray xilalkii ahaa Guddoomiyaha golaha deegaanka iyo Duqa magaalada oo horey hal qof isugu qaban jiray ayadoo, magaalada Gaalkacyo ay noqotay meeshii laga hirgeliyo xeer hoosaadka cusub ee labada mas’uul labadaasi xil loo kala dooranayo.
Doorashadii Duqa magaalada ayaa ahayd ayadu mid si weyn loo xiiseenayey ayadoo ay ku tartameen xilkaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji iyo Axmed Cali Salaad. Waxayna natiijada Doorashadaasi noqotay in uu helo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji 20 cod, halka Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo Axmed Cali Salaad uu helay 9 cod oo kaliya.
Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu wax weyn ka qaban doono dhanka amniga iyo arrimaha Bulshada, ayadoo uu intaasi ku daray inuu xooga saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa maamul wanaaga magaalada, oo horey dhibaatooyin badan looga soo sheegayey.
Waxaa weli dhiman xilal badan oo ah dhanka Gobalka Mudug, oo lagu wado in dhawaan uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ku dhawaaqo Guddoomiyaha gobalka Mudug iyo waliba xilal kale ee gobalka sida Maamulka iyo dhanka Amniga.
Horseed Media
Maamulka cusub ee Gaalkacyo oo xilka la wareegaya
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 534 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 1 Replies
- 304 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by qardasay
-
- 25 Replies
- 1847 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 5 Replies
- 996 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 0 Replies
- 1164 Views
-
Last post by ayadoonle
-
- 0 Replies
- 426 Views
-
Last post by FBISOMALIA