faroole returns to Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

faroole returns to Garowe

Post by sheekh-Farax-zero »

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa ayaa dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe kadib markii safar qaatey bil iyo shan cisho uu ku joogey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo.

Mr. Farole ayaa u ambabaxey Galkacayo kadib markii la diley Wasiirka Warfaafinta Puntland Alaha U Naxriistee Warsame Cabdi Shirwac halkaasoo kaga qayb galey aaskiisa iyo qaboojinta xiisadii ka dhimashadiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Galkacayo kaga so harey Ku-xigenkiisa Cabdi Samad Cali Shire iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadiisa kuwaasoo sida wararku sheegayaan haya howlo qabyo ah oo la xiriira adkeynta amaanka gobolka.

Dowladda Puntland ayaa ku guleysatey intii ay ku sugneyd Galkacayo in la magacabo dhamaan maamul gobol, degmo iyo taliye-yaal ciidan iyada doorashadii duqa magaalada noqtey mid aad loo soo dhoweeyey.

RADIO GAROWE
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”