Dagaalkan oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ahaa mid socday qadar daqiiqado ah oo ka dambeeyay markii Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ay cabasho ka keeneen Mushaar la'aan.
Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalkaas ahaa mid gil gilay Xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah Madaxda ugu sareysa Dowladda.
Dagaalka oo goor dambe qaboobay ayaa waxaa hareeraha Madaxtooyada soo gaaray Ciidamada AMISOM oo ku hubeysnaa Gaadiidka dagaalka, waxaana markii dambe wadada isaga dhaqaaqay Ciidamadii gadoodka ahaa.
Xarunta Madaxtooyada ayaa dhowr daqiiqo gashay xaalad kacsanaan ah, waxaana la dareemayay dhiilo xoogan oo u wada dhaxeysay Ciidamada Dowladda kuwooda ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo kuwii gadoodka ahaa.
Ciidamada Dowladda qaarkood ayaa ka cabanayay mushaar la'aan ay sheegeen inay kala kulmeen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ay lunsadeen lacagaha mushaaraadka Ciidamada.
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
2009(4 months to go for 2010) ,still no real government,khawarij dogs are terrorizing people with their barbaic way of ruling
