Rer Dalal and Wagardha make peace by diya

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Rer Dalal and Wagardha make peace by diya

Post by CoolPoisons »

Cabud-waaq: Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca oo heshiis dhex dhigay Beelo wada dega Degmada Cabud-waaq oo Muran u dhaxeeyey.

Maamulka culumaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca ayaa heshiis dhex dhigeen Laba Beelood oo wada dega degmada Cabud-waaq, kuwaas oo u dhaxeeyey muran.

Beelahan oo mudooyinkan ka dhex jiray Muran salka ku haya Sarkaal u shaqeynayay hay’ada WFP oo ay dileen beel ka mid ah Beelahaasi, isla markaana beesha wax laga dilay diiday in ay qaato diyo ama Mag ayaa markii danbe shalay ogolaatay in ay qaataan Diyo.

Mas’uuliyiinta Maamulka Culumaa’udiinka ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa ku amreen Beesha dilka geystay in ay bixiso 550-Milyan, Boqol Halaad oo geell Nool ah, Qori iyo Gabar.

Beesha dilka geystay oo sidan oo kale kal hore u qaateen diyo sidan oo kale ah ayaa ogolaadeen in ay bixiyaan Diyadaasi iyo go’aanka ay gareen Maamulka culumaa’udiinka ahlu sunna Wal-jameeca Degmada Cabud-waaq.

Ma ahan markii ugu horaysay oo beelo wada daga Degmada Cabud-waaq kala qaataan Diyo marka sidan oo kale ay ragg iska dilaan.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Rer Dalal and Wagardha make peace by diya

Post by CoolPoisons »

:up: :up: no fighting

:up: Ahlu Suna
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”