3 new schools opened in Abudwaq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

3 new schools opened in Abudwaq

Post by CoolPoisons »

Qaarka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Deegaanka Caabduwaaq oo Ka qayb qaatay Xaflad lagu Furayay Sadex Xarumo Waxbarsho oo ka dhacday Dugsiga Hoose dhexe ee Hirda.

Qaarka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka AhlUsunna Waljamaaca ee Deegaanka Caabduwaaq oo Ka qayb qaatay Xaflad lagu Furayay Sadex Xarumo Waxbarsho oo ka dhacday Dugsiga Hoose dhexe ee Hirda.

Sh.Bile bashiir Cali oo ka tisarsan mas'uuliyiinta maamulka Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay ka qayb qaateen munaasabad loogu tala galay furitaan sadex iskuul oo iskugu jira Hoose/dhexe iyo Sare, xafladaan ayaa ahayd mid si weeyn loo so agaasimay waxaana ka soo qayb galay guud ahaan qaybaha kala gadisan ee bulshada sida Culumaa'udiinka ahlusuna, Ururada Dhalinyarada ,Ururada Haweenka, Ganacsatada.

Qurans
Sh. Bile bashiir cali mire oo u hadlayay maamulka Ahlusuna waljamaca ayaa waxaa si weeyn u soo dhaweeyay furitaanka xafladaan waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah, sidoo kale waxa uu mas'uulkaas u hadlayay maamulka Ahlusuna waljamaaca oo goobta ay ka socotay xaflada ka sheegay in ay si aan leex leexasho lahayn ay maamulka culumaa'udiinka Ahlusuna u taageerayaan hurumarinta tayaynta waxbarashada taasoona ay ku dabaqi doonaan caqiidada toosan ee islaamka.

Goobtaas ay xafladu ka socotay ayaa waxaa ka soconayay taageero iyo amaan isdaba joog ah oo ay qaybaha kala gadisan ee bulshada R/caabudwaaq ay usoo jeedinayeen maamulka Ahlusuna oo hurumar lataaban karo ka sameeyay guud ahaan deegaanada waqooyiga G/gauud.

Sikastaba ha ahaatee waxaan indhaha laga qarsan Karin hanaanka hurumarineed ee ay Ehlusna ka wadaan guud ahaan gobolada dalka oo dhan gaar ahaan gobolada dhehe ee soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ee Mustaqiim.com

E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”