Hogaamiyihii Al Qaida ee Indonesia oo la dilay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Hogaamiyihii Al Qaida ee Indonesia oo la dilay

Post by abdi342 »

Booliiska dalka Indonesiya ayaa shaaciyey inay dileen hogaamiyihii kooxda Jamaca Islaamiya ee garabka Al qaida ee dalkaasi Indonesiya, ee horey u
fuliyey weeraro dad badan ay ku dhinteen.

Taliyaha Booliiska dalka Indonesia Mr.Bambang Hendarso Danuri ayaa sheegay in Mohamed Nuurdin Top oo ahaa hogaamiyaha Al Qaida ee
dalka Indonesiya, lagu dilay weerar ay ciidamada amniga ku qaadeen goob uu dhuumaaleysanayey.

Taliyaha ayaa sheegay in ninka ay dileen uu yahay Mohamed Nuuradiin, taasina ay ku xaqiijinayaan cadeynmo iyo baaritaan lagu sameeyey meydkiisa.

Mohamed Nuuradiin Top oo kasoo jeeda dalka Maleeshiya ayaa ahaa hogaamiyaha Al Qaida ee dalalka Aasiyada fog, ayadoo horey loogu
eedeeyey inuu ka danbeeyey weeraro bambaano oo ka dhacay dalka Indonesia.

Hogaamiyahan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey qaraxyadii bishii July ee lasoo dhaafay ka dhacay Labo hotel oo waaweyn
oo ku yaal magaalada Jakarta, ee caasimada Indonesia.

Isla bishaas ayey ciidamada Indonesiya sheegen inay dileen Mohamed Nuuradiin, balse arrintaasi ayaa beenowday kadib markii baaritaan lagu sameeyey meydkii ay heleen, hase yeeshee Mohamed Nuuradiin ayaa xiligaasi ka fakaday ciidamada ku raad joogay.

Booliiska ayaa hada sheegay in ninkan ay meydkiisa hayaan isla markaana uu dhintay, waxayna intaasi ku dareen in ay gacanta ku dhigeen hub, rasaas
iyo Laptopyo uu watay Mr.Nuuradiin Top, oo ku dhintay rasaas badan oo is weydaarsadeen ciidamada Booliiska.

Dilka Hogaamiyahan sida weyn looga cabsan jiray ayaa ah mid kusoo beegmaysa xili lagu wado inuu dalkaasi Booqdo Madaxweynaha dalka
Maraykanka Barack Obama.

Mohamed Nuuradiin Top, ayaa muddo 9 sano ah ay baadi goobayeen ciidamada dalka Indonesiya iyo sirdoonka caalamka, ayadoo marar
badan uu si dirqi ah uga fakaday hay’adaha ku daba joogay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”