Waxybaaha qosolka leh ee la diiwaangaliyay waxaa ka mid ah, in maalin ay shir is-fashili ah isugu keeneen dad badan oo laga soo ururiyay gobolka Nogob uu nin goobta ka hadlayay ku soo daray hadaladuu lahaa – waxaa isku waafaqay Muslim iyo Bukhaari – Daauud amxaar oo magacyada la sheego qoranayay ayaa qortay. Cabdi Ilay oo ag-fahdiyay ayaa su'aalay sababtuu u qortay magacyadaa markaasuu ugu jawaabay waxaan rabaa in aan istaajiyo dadka hortooda oy ka sheegaan waxay isku waafaqeen. Cabdi Ilay oo qosol kala joojin waayay ayaa dadkii u sheegay inuu Daauud doonayo inay is-fashilyaan Muslim iyo Bukhaari. Markaasuu daba dhigay isagoo raba inuu ka soxo khaladkiisa; – waa asaxaabtii rasuulka Muslim iyo Bukhaari – waa nimanka ay aqoontooda diiniga heerkaa joogto kuwa Jigjiga maamula oo garsoore iyo imaamba ka noqday.


