

Ninka dagaalada hogaaminaya in Kismayo for Shabab waa Talhe and now they say another Talhe taliye joined the fight from Xagar
Waxaa iyana naloo xaqiijiyay in malayshiyaadka aan wararkanagii hore kusoo qaadnay oon sheegnay inay kasoo kicitimeen Gedo uu wato sargaal aad looga yaqaano dagaanka Waamo kuna caan baxay xasuuq shacab kaas oo lagu magacaabo Cabaas. Cabaas ayaa ka mid ahaa ciidankii dowladaii hore ee 1988kii dhibaatada ka gaystay dagaanka Waamo.
Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii la socotay Barre Hiiraale ee laga qabsaday magaalada Kismaayo, isagoo markii danbana sheegay inuu ku biiray Shabaab isla markaana ubixiyeen magaca SAYFUL-ISLAAM. Ma aha Cabaas oo kaliya saraakiisha iyo malayshiyaadka horaan danbiilayaasha ahaa ee shabaabku shaadhka u badaleen si ay uga garab dagaalamaan, iyadoo gudoomiyaha shabaabka u magacaabeen dagmada Jilib uu ahaa taliye ku xigeenkii Hiiraale markuu maamulayay kismaayo.
http://somalitimes.net/news.php?readmore=215