

What constitutes as Caasi waalideynima
1- Waalidka oo laga oohiyo
2- Waalidka oo lagu qeliyo ama lacanaanto
3- Waalidka amarkiisa oonan la qaadan
4- waalidak Hortiisa waji cambuusnimo iyo xanaaq lagu muujiyo
5- Waalidka oo si yasid ah loo fiiriyo (ama loo eego)
6- Waalidka oo la amr
” sida qof hooyadii ku amraya in ay guriga xaaqdo ama cuntada u kento taas na waa waxyaabaha ugu foolxun Khaastan hadii ay hooyada oo markay duqoowdo la amro “
7- Hooyada raashiinka ay kariso oo wax laga sheego
8- Waalidka oo aanan lakaalmeyn
9- Waalidka oo laga sii jeesto asiga oo sheekeenaya
10- Waalidka oo mar waliba amarkooda laga tago
11- Waalidka oo markii qokiisa loo soo galaayo aanan amar laga qaadan
” Taasina waxa ay kamid tahay waxyaabaha aadaab xumida ugu waa weyn waxaa macquul ah waa lidka in uu markaas raali ka eheen inloo soo galo “
12- Waalidka hortiisa oo Dhibaato lagu sameeyo
” sida ayadoo walaalaha si xun loola dhaqmo ama xaaska oo si xun loola dhaqmo”
13- Waalidka oo dadka hortooda lagu caayo ama ceybtooda la sheego
14- Waalidka oo lacaayo ama la naclado
” sida qof hadii uu qof kale abahii ama hooyadii caayo amaba naclado Caaydaas iyo Nacladaas waxa ay ku soo laabaneesaa waalidka qofka wax caayay ama nacladay “
15-Guriga oo lasoo galiyo Munkaraat
” Sida ayadoo guriga lakeeno waxyaabo fasahaad ah oo uu qofka walaalihiis ku fasahaadayaan ay macquul noqoto labada waalidna in ay sidaa u fasahadaan “
16- Waalidka hortiisa oo Munkaraat lagu sameeyo
” Sida in waalidka hortiisa sigaar lagu cabo ama salaada faradka ah laga tago amaba hadii ay salaada kuu kiciyaan oo la diido”
Taasna waxay ku tusineesaa qofkaas in uusan waalidkiis ka xishoo neen
17- Waalidka oo sumcadiisa lagu dheelo
18- Waalidka oo dhib la galiyo
” Sida qofka in uu soo deynsado Maal uusan bixin karin amaba uu dhib ka dhex sameeyo Schoolka oo waalidkiisa loo soo diro “
19-Guriga oo laga maqnaado waqti badan
” Taas waxa ay Ka xanaajineesaa waalidka
waxaase laga yaabaa markaas inay waalidku u baahan yihiin qof wax u qabta Asigoo qofkii guriga kamaqan Marka taasina waa dhibaato weyn “
20- Xaaska oo waalidka laga Kormarsiiyo
” Dadka qaar waxaa jira Xaaska adeecaya walidkoodna aan dhag jalaq u siineen oo xataa mararka qaar hadii ay dhahdo waalidkaa guriga ka buri in uu guriga ka buriyo ayadoo ay macquul tahay in uusan waalidka meel uu aado uusan aqoon”
21-Waalidka oo laga tago xiliga uu kuubaahanyahay ama uu duqoobo
” waxaa jira dadka qaar oo ay markii uu walidkood gaboobo amaba duqoobop katagaan oo ku mashquulaan howlo khaas ah amaba maal tacab “
22- Waalidka oo bari laga nqdo ama qofka inuu ka xishoodo inuu waalidkiis ka sheekeeyo ama in uu ku abtirsado
“taasina waa waxyaabaha ugu xun xun caasi waalideynimada oo awlaada qaar hadii aad weydiiso waalidkiis waxa ay ku dhahayaan kuwaasi shaqaalo ayay noo yihiin “
23- waalidka oo lagu xadgubo amaba la garaaco
” Taasina waxaa sameeya caasi waalidiinta aadka u waa weyn oo qalbi dhagaxa ah kuwaas oo ay qalbigooda naxariista iyo xishoodka ka baxay
24- Waaldika oo lakaalmeyn waayo xiliga uu Gaboobo
25- waalidka oo laga Fogaado amaba baari loo noqon waayo hadii ay dambiyaal amaba macaasi ku dhaxjiraan
” Taasi waa wax diin la’aan nimo ah oo aad u fool xun maxaa yeelay waalidka oo baari loo noqdo waa waajib hadii xataa ay yihiin Gaalo bal kawaran hadii ay yihiin muslimiin marka waa qalad qofka inuu dhaho tusaalo ahaan walidkey matukado anigana sidaas ayaan oga fogaaday ”
26- Waalidka oo wax lasiin waayo amaba bakhiil lagu noqdo
“Dadka qaar waxaa jra ayagoo wax heesta misna waalidkood wax aan siineen amaba ku bakhiilaya maalka xataa hadii ay waalidku maalkaas muxtaaj weyn u yihiin “
27- Waalidka oo loo abaal sheekto ama wax yaabihii loo qabtay oo la tiriyo
28- Waalidka oo wax laga xado
” taasina waxa ay tahay foolxumo maxaa yeelay waxa ay kulan satay tuugnimo & iyo caasinimo taasoo uu qofku waalidkiis wax ka xadayo waalidka oo wax hilaamsan awgeed amaba waalidka uu gaboow dartiis wax aan xasuusan karin”
28- Qofka oo jecleesto in uu waalidkiisa ka fogaado
29- Qofka oo jecleesto in uu waalidkisa geeriyoodaan
” Awlaada qaar waxa ayba jecel yihiin in ay waalidkooda dhintaan hadii ay lacag leeyihiin si ay u dhaxlaan ,ama uga takhaluso hadii uu waalidku jiran yahay amaba faqiir yahay amaba hadii ay duqoobaan “
30- waalidka oo la dilo ama laga Takhaluso
” waxaa mararka qaar dhacda awlaada qaar oo caasinimo meesha ay ka gaareen jecel in ay waalidkooda dilaan ayagoo xanaaqsan amaba khamri cabsan ama ayagoo jecel in ay dhaxlaan waalidkood “
______________________________________________