Maalinbaa Anagoo Masaajidka ''Saalixiyada Burco'' ku tukanayna salaad Asar ah,
ayaa waxaa intaan salaadii la gelin masaajidka ka dhex kacay Nin waalan oo ''Ina Saxar'' la dhaho
Markaasuu yidhi ''Asalama alaikum waar kabo ha la ii iibiyo waan cagaaganahee!
Haddaba dadkii cidina uma jawaabin oo waxaa la is yidhi waar waa nin waalane wuu iska hadlayaa.
Al haddaba markii salaadii la galay oo dadkiina aamusan yihiin ileen waa salaad casare
ayuu intuu halkaa danbe istaagay yidhi ''AABIHIIN WASA WALAHI ANIGU BEER UUN BAAN QAADANAYAA, NIN WALOWBA KU BIYO CAB'' al markaasaa dadkii salaadii iskaga dhex yaacday oo nin walba is yidhi waar malaa kuwaagii buu qaadanayaa!!
Weliba waa ina saxaroo muddo lama arko markuu meel yimaado
