“Dalka wax badan baan u qabtay" Md. Daahir Rayaale Kahin

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

“Dalka wax badan baan u qabtay" Md. Daahir Rayaale Kahin

Post by Elmi_Dheere »

“Dalka wax badan baan u qabtay ee waa in aan sifo sharci ah kaga tagaa” Madaxweyne Rayaale


Image

Wargeyska National oo Warbixin ka qoray Siyaasadda Somaliland.


Hargeysa(BNN) Oct. 05, 2009 - “Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland wuu xasilay ka dib fadhigii Golaha ee 26-kii September. Qofina qof kale lama dagaallamin intii fadhiga lagu gudo-jiray. Qofina Hub lama soo bixin, xitaa qofina ma murmin.”




Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin dheer oo Wargeyska National uu ka qoray Somaliland iyo xaaladaha Siyaasadeed.



Warbixin oo la qoray ka hor intii aanay Heshiiska wada-gaadhin Axsaabta Siyaasaddu, ayaa lagu baahiyay Shabakadda barta Internetka uu ku leeyahay Wargeyska National.


Warbixintaas oo dhammaystiran, ayaa u dhignayd sidan;

“Fadhigii Baarlamaanku wuu deganaa bilowgii toddobaadyadan, Mudanayaasha Golaha oo hareero-joogay Hoolka Golaha ee Gidaarada cad-cad leh..Bishii September 8, dood xasaasi ahayd ayaa dhex martay Mudanayaasha oo ka soo kala jeeda Xisbiyo kala duwan, kuwaas oo murmay. Mid ka mid ah Mudanayaasha ayaa la sheegay in uu la soo baxo Bastoolad, laakiin ma jirin Rasaas uu riday. Madaxweynaha ayaa amray in Ciidamada Boolisku galaan Xarunta, waxaanay kala dareeriyeen Mudanyaaashii oo waxay xidheen Xarunta Baarlamaanka.




‘Shalay ka hor, xaaladdu aad bay u kacsanayd.’ Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo National u waramay 26-kii September. ‘Imika qof waliba wuu degay.’ Ayuu intaa raaciyay...Golaha Wakiilada ayaa Miiska soo dhigay Mooshin maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne ah, halka Golaha Odayaashuna uu u codeeyay in khuburo ka socota Beesha Caalamku ay kala shaandhayn ku samayso Liiska Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka, waxaanay taasi keentay in ay degto xaaladdu. ‘Waqtiyada qaarkood laba Walaalo ah ayaa dagaallama, maalinta dambena heshiiya oo saaxiib ah.’ sidaa waxa yidhi Cabdicasiis Samaale.





Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, ‘Waxaanu ku faraxsanahay in aanu leenahay Axsaab Mucaarad ah oo soo bandhigi kara Afkaartooda. Waxaan filayaa in ay taasi tusaale wanaagsan u tahay dalalka nala deriska ah ee Afrika.’




Daahir Riyaale Kaahin oo ah Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga midnimada Umadda bahowday, waxa uu Doorashada soo socota oo khuburadu ay leeyihiin ugu horrayn waxay dhacaysaa bisha January ee soo socota uu kula tartamayaa laba Xisbi Mucaarad oo shaqaynaya. ‘Wax badan baan u qabtay Dalkan, waxaan mideeyay dhammaan reer Somaliland. Waxaanan doonayaa in aan sifo sharci ah kaga tago dalkan.’ Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo National ugu waramay Qasrigiisa Madaxtooyada ee Caasimadda Hargeisa.


Mucaaradadda ugu adag Madaxweyne Rayaale ka horjeedaa waxay ka timaadda Axmed Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Siilaanyo oo ah 72 jir hore ugu soo dagaallamay xoraynta Somaliland, isla markaana guddoomiye ka ah Xisbiga horumarinta iyo midaynta Somaliland. Wuxuu sheegay in uu Madaxweynuhu ku fashilmmay in uu dalka ku hoggaamiyo aqoonsi, sidaa darted aanay ahayn in mar kale la doorto. ‘Hore ayuu u guul-darraystay. Muxuu mar kale u doonayaa xil?’ sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, ‘Hore ayuu u lumiyay kalsoonidii dadka’.


Somaliland waxay ka fogaatay in ay gasho qalalaase iyo isku-dhac Qabiil oo daashaday qaybaha kale ee Soomaaliya…Balse, waxa jira calaamado muujinaya in xasilooni-darrada Siyaasadeed ee Somaliland ay Albaabo u furi karto Xag-jirka. ‘Qas kasta oo dhacaa wuxuu fursad siinayaa inay xaaladda ka faa’idaystaan. Laakiin, waxaanu filaynaa in aanay taasi halkan ka dhici karin.’ Ayuu yidhi intaa raaciyay oo uu mar kale yidhi Axmed.”
User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

Re: “Dalka wax badan baan u qabtay" Md. Daahir Rayaale Kahin

Post by Elmi_Dheere »

Rayaale haa raago cadoowgiisa ha jabbo :sland: :up:

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: “Dalka wax badan baan u qabtay" Md. Daahir Rayaale Kahin

Post by Keyse_0208 »

Pr press for riyaale, shaqadiisii miyuu kasoo baxay..?
Kinetic
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 299
Joined: Mon Aug 17, 2009 10:50 am

Re: “Dalka wax badan baan u qabtay" Md. Daahir Rayaale Kahin

Post by Kinetic »

Hargaysa is an extension of Addis, it feels, works, operates like a xabashi region. That is the success Riyaale has brought.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”