XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AhlulbaytSoldier »

Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buundada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xisbul Islaam ay gacanta ku dhigeyn masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab

Wararka naga soo gaadhaya gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay iyo maanta laga waayey wax askar ah oo ka tirsan ciidamadii Alshabaab ee maamulka magaalada Kismaayo iyadoo aan la garanaynin meesha ay aadeen ciidamadii Alshabaab.

Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame.

Dhanka kale ciidankii Gacmo-dheere ee Raaskaamboni ee jiray magaalada Muqdisho ayaa ku soo wajahan magaalada Kismaayo, lana filayo inay saacado dhaw soo gaaraan halkaa, taasoo sababtay inay kooxda Al-shabaab qax billowdo..

Jubbada.com

Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buunada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo.

Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo saaka ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame.

Dagaalkan ayaa qarxey kadib markii heshiis beenaad ah lagu gaadhey Xamar oo u dhaxeeya labada urur iyagoo dhanka kalena dagaalku sii socdo. Ciidamada Xisbul Islaam ayaa gacanta ku dhigey masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay dagaalkan bilawga ah iyo meesha xaal ku dambeyn doono.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AbdiWahab252 »

Hogaamiyeyaasha Xisbul Islaam iyo Al-Shaab ee Hawiye oo shax cusub.

Mogadishu 08 October 2009 Waagacusub Media.

Hogaamiyeyaasha u dhashay beelweynta Hawiye ee ku jira Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa qaab siyaasadeeysan uga dhex baxay colaadaha ka aloosan goboladda Jubooyinka.

Live Chat with Waagacusub editors Clickhere

Xubno ay ka mid yihiin Xuseen Cali Fiidoow oo ah ninka siyaasada gobolada dhexe u qaabilsan Al-Shabaab iyo Afhayeen Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday inay la kulmeen Xasan Dahir Aweys,Muuse Cabdi Caraale iyo Cumar Iimaan Cumar ayna la gaareen heshiis nuxurkiisu yahay inaysan ku lug yeelan dagaalo u dhaxeeyo kooxaha Islaamiyiinta,waa sida ay hadalka u dhigeene.

Heshiiska cusub ee saraakiisha Hawiye kaga cag wareejiyeen colaadaha Jubooyinka ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu fashilaa qorshe ay wadaan rag uu ka mid yahay Fu'aad Shongole iyo Abuu Maansuur oo doonayay in marka hore loo dhameeyo Xasan Dahir Aweys iyo xulufadiisa Hawiye ee la Xisbiga,.

Maalin ka hor waxaa is casilay oo ka baxay Al-Shabaab saraakiil u dhashay beelaha hawiye,hada waxaa muuqato in xaaladu isu bedeshay Weji qabiil.
Dagaalada ka socda Jubooyinka Maleeshiyaadkii Hawiye ee ka qeyb qaatay,waxay dib ugu soo laabteen xerooyinkoodii,waxaana taasi ay boowdya qaawin ku tahay muuqaalka Kismayo ee hore loogu geliyay shaati diimeed.

Magaalo xeebeedka Kismayo waxaa hada ku dagaalamaya beelaha Sadde Mareexaan iyo Kablalax Daarood,waana mid la micnaa loolaankii Barre Hiiraale iyo Mohamed Morgan.

Sheekha u dhashay beesha Ogaadeen ee lagu magacaabo Sheekh xasan Xuseen ayaa Muxaadaro uu Internetka soo dhigay wuxuu ku cadeeyay in maleeshiyada kablalax Daarood isu habar wacatay,uuna Xasan Turki aaminsan yahay in Kismayo xaaladeedu isu bedeshay mid qabiil.
Xasan Turki waxaa haya xanuun hasse yeeshee gulufka waxaa wada wiilka gabadhiisa qabo ee Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe sanadkii 2007 ayey Ciidamadda Ethiopia la qabteen Kudhaa isagoo dhaawaca,wuxuu ku jiray Xabsi guri Magaalada Addis Ababa Hotel ka Geyoon hasse yeeshee Madaxweyne Shariif ayaa ka soo daayay Ethiopia isagoo ka mid dhigay xubnaha baarlamaanka.

Axmed Madoobe wuu ka baxsaday dowladda,wuxuuna Kismayo ka shaaciyay inuusan ka mid ahayn golaha baarlamaanka.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AhlulbaytSoldier »

AbdiWahab252 wrote:Hogaamiyeyaasha Xisbul Islaam iyo Al-Shaab ee Hawiye oo shax cusub.

dumb hutus :down:
Inshallah they will fight amongst each others. No way back.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AbdiWahab252 »

HutuKing,

They are not HUTUs, they have graduated to Arabnimo :lol:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AhlulbaytSoldier »

AbdiWahab252 wrote:HutuKing,

They are not HUTUs, they have graduated to Arabnimo :lol:
:lol:
Conversion to DNA :down:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by AbdiWahab252 »

HutuKing,

Beware of the DNA.
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: XI & shabaab continue ''jihad'' outskirts of kismaayo

Post by galia »

This news made my day, walahi i am in the parting mode.

By the way i back Hizbul Islaam , fcuk the al-shabaab rats :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”