The fight for kismayo Continues

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

The fight for kismayo Continues

Post by The_Emperior5 »

{Kismaayo}8-10-09Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in mar kale dagaallo ku dhex mareen dhinacyadii ku dagaalamayey maalmihii tagay halkaas.



Sida warku sheegayo dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sooyo oo u dhow Janaay Cabdala ee galbeeka magaalada Kismaayo, waxaana dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan aan la ogeyn qasaaraha uu geystay.

Labada dhinac ayaa maalmihii tagay waxaa dhex marayay dagaallo xoogan oo bilowday 1-dii bishan aynu ku jirno, iyadoo tan iyo wixii markaasi ka dambeeyay ay dagaalladu u wareegeen dhinaca galbeed ee magaalada Kismaayo.

Dagaalka ka dhacay degaanka Sooyo ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada ururka Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen ciidamada Walaayada Islaamiga Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka, kuwaasoo la sheegay inay ka soo ka dhaqaaqeen deegaanka Janaay Cabdalla.

Widhwidh Online News Des..Media Center

Wixii warar ah ee soo kurdha kala soco halkan... kolba eeg Radio-Widhwidh.
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: The fight for kismayo Continues

Post by galia »

Yes, allahamduli those bastards are back to killing each other.

by the way i am with Hizbul islam on this one :clap:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The fight for kismayo Continues

Post by The_Emperior5 »

galia wrote:Yes, allahamduli those bastards are back to killing each other.

by the way i am with Hizbul islam on this one :clap:

Why is it because of xassandaahir aweys :mrgreen:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The fight for kismayo Continues

Post by The_Emperior5 »

War Deg-Deg ah: Dagaalkii ugu weynaa oo qarxay duleedka Kismaayo
KN: Ciidamadii ugu tiro badnaa oo ka socda Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku ekeeyey goobaha ay fadhiyaan ciidamada Xisbul Islaam ee duleedka Kismaayo
Dagaalku waa uu soconayaa waqti xaadirkan wuxuuna bilowdey qadar nus saac ka hor ah
Wali ma heeyno wax faahfaahin ah inaba ha yaraatee, laakiin sidii aan horey usoo tabiney wariyeyaasheena gobolka ku sugan ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay faarujiyeen dhamana ciidamadii Al-Shabaab, iyagoo xittaa qaatay aawacyadii Isbitaalka Kismaayo yiiley, kuwaasoo warar aan helney ay sheegayaan in la geeyey magaalada Jamaame
Wuxuu dagaalkan oo lagu tiranyo kii ugu cuslaa qarxay xili shalay ay madaxda labbada xarako eeku jira dagaalka fidnada ay sheegeen in ay gaareen heshiis aan ugu magac dartay “heshiis beenaad” oo aanan lahayn wax asaas ah inaba ha yaraatee.
Waxay u muuqataa in uu dagaalkani yahay kii lagu kala bixi lahaa
Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo tabin doonaa

KismaayoNews.com
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The fight for kismayo Continues

Post by The_Emperior5 »

Shababka Oo Duulaan Ku Qaaday Fariisimada Xisbul Islam

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shababka ay qaadeen duulaan balaaran oo ay ku ekeysiiyeen aagagii maalmahaan dagaalada ka scoday, iyadoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna xoogiisa ka socdaa inta u dhaxeysa Janaay Cabdalla & Canjeel gaar ahaa degaanka Sooyo, dagaalkan aya amuuqda mid ka baaxad weyn kuwii dhacaayay maalhii ugu dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shababka ay qaadeen weerarkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan iney dhamaan burburyaan awoodaha Horjoogayaasha Raskambooni & kuwa Caanoole uuna hormuudka ka yahay Axmed Madoobe, Dagaaladaani ayaa baryahan si taxana ah uga socday deegaanada Jubooyinka ayna dhaxeeyay labada urur ee Xisbul islaam iyo Al-shabab, waxaana kala gaaray khasaarooyin aad u balaaran oo isugu jira dhimasho & dhaawacyo, Maantay duhurkii ayuu dagaalka ka qarxay tuulada lagu magacaabo Sooyo oo 40 kilomitir u jirta magaalada Kismaayo.

Horjoogayaasha Mamulka Kismaayo ee Shababka ayaa ka soo qaaday fariisimadoodii Maleeshiyaadkii ku sugnaa magaalada, Jamaame, Jilib, Bu'aale & Gobolada Gedo, Sh/hoose, waxana amar lagu siiyay in mud laba maalmood gudahood ay ku soo af jaraan dagaalada 10 maalmood jirsadayee ka scoda duleedka Kismaayo, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in magaalada Bu'aale ay xalay saqdii dhexe ka soo talaabeen gurmad maleeshiyaad isku dhaf ah oo Shabab & kuwa Beeleedka Gedo ka yimid, wararka ayaa intaasi raacinaya in xalay qaaday laga dhaawacyadii maleeshiyaadka Shababka isbitaalada magaalada waxaana la geeyay Jamaame.

Labadan urur ayaa shalay kawada hadlay heshiisyo xabadjoojineed iyo in shareecada islaamka lagu kala baxo cidii gardaran ayaa hadana waxaad moodaa in hadaladooda iyo ficilada loo jeedo in ay kala gedisan yihiin iyagoo nabad iyo islaamnimo ku baaqaya ayaa dagaalkii dhinac kale ka wado.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”