Xisbiga Kulmiye oo Gabadh ka tirsan Guddidiisa Fulinta u Mag

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Xisbiga Kulmiye oo Gabadh ka tirsan Guddidiisa Fulinta u Mag

Post by Ducaysane_87 »

Written by Waaheen
Oct 08, 2009 at 05:23 AM
Waa Xubintii 3aad ee ay Guddoomiyaha isku beel yihiin iyo Cadaymo dhab ah oo muujinaya inay ka tirsan tahay golaha dhexe ee Xisbiga.

Hargeysa (Qarannews) Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye ayaa la sheegay inuu si rasmiya shalay ugu gudbiyay Madaxweyne Rayaale xubinta cusub ee uu u soo magacaabay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee loo soo xulayo Guddida Doorashooyinka Qaranka

Ilhaan Max'ed Jaamac oo ah gabadha kaliya ee ka mid noqon doonta xubnaha Komishanka inta ilaa hada la ogsoon yahay ayaa xisbigu u xulay inay ka mid noqoto xubnaha cusub ee ay hogaamiyayaasha axsaabtu isla qaateen in lagu bedelo Komishankii hore ee dhawaan iscasilay ee uu Madaxweyne Rayaalena ka aqbalay iscasilaadooda.

Gabadhan xisbiga Kulmiye u xushay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee la filayo inay noqdaan guddida hagi doonta hawlaha Doorashooyinka marka la isku soo dhamaystiro ayaa ah xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigaasi, waxaanay ka soo qabatay Xisbiga xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Golihii dhexe ee hore xisbiga Kulmiye isla markaana ay noqotay xoghayihii ugu awooda badnayd Guddidii qabanqaabada ee Shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Hotelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa

Ilhaan Max'ed Jaamac waa aqoonyahanad kaalin weyn ka qaadatay dhismaha Xisbiga ilaa hadana waxay ka mid tahay hormoodka xisbiga oo ay ku jirto Guddidiisa fulinta iyo Golihiisa dhexeba oo ay ku soo gashay 20 xubnood oo haween ah, oo Xisbigu koote u siiyay Dumarka sida ku cad liiska Guddida fulinta ee kulmiye oo kala ah:

Magaca Xilka

1- Dr, Maxamed C/laahi Cumar Xoghayaha Arimaha Dibada.

2- Maxamed Cabdi Iskeerse Xoghayaha Maaliyada.

3- Axmed Xaashi Oday Xogahaya Khayraadka.

4- Maxamed Muuse Abees Xoghayaha Arimaha Gudaha.

5- Dr, Cabdi Aw Daahir Cali Xoghayaha Arimaha Bulshada.

6- Maxamed Kaahin Axmed Xoghayaha Difaaca iyo Nabada.

7- C/kariin Axmed Maxamed Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta.

8- Xuseen Axmed Caydiid Xoghayaha Cadaalada.

9- Canab Cumar Ileeye Xoghayaha Arimaha Haweenka.

10- Cali Ibraahim (Tamaandho) Xoghayaha Dhalinyarada.

11- C/raxmaan Aw Cali Faarax Xoghayaha Xidhiidhka Golayaasha Qaranka.

12- C/laahi Xuseen Cige

13- Faysal Cali Sheekh

14- Maxamed Xasan Jidhif

15- Ibraahim C/laahi Xuseen Dhega-weyne

16- Axmed Cabdi Dheere

17- Dr Carabeyto

18- Dr, Xuseen Maxamed (Xuseen Xoog)

19- Dr, Yusuf Xirsi Galow

20- Cali Siciid Reygal

21- Axmed Cilmi Bare

22- Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal

23-Ilhaan Maxamed Jaamac

24- C/laahi Ismaaciil

25- Baashe Yuusuf Axmed

26- Axmed Xaaji Cali Cadami

27-Prof Ismaaciil Muumin Aare

28-Cali Cabdi Saadiq

29- Cabdi Siciid Faahiye

Ilhaam max'ed Jaamac waa xubintii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye u Magacaabo jagadan ee ka soo jeeda Beesha Guddoomiyaha Xisbiga,oo labadii xubnood ee ka horeeyay midkood uu iscasilay, kii lagu bedelayna oo ahaa Cali Biikalo ay Xisbiga iskaga horyimaadaan aragtidii markii hore uu Xisbigu u soo xushay ee ahayd inuu difaaco danaha Xisbiga ee Komishanka taasoo sababtay inuu Xisbigu taageero eriga xubnihii hore ee Komishanka

Arrintani waxay meel ka dhac ku tahay xeerka Doorashooyinka Xeer No: 20. oo si cad u qeexaya xubinimada Guddida Doorashooyinka, waxaana laga yaabaa inay carqalad ku noqoto heshiiskii axsaabtu dhawaan qaadatay oo aan ilaa hada suurto galin, waxaana arrintan xilkeeda leh Golaha Wakiiladda oo ay awoodiisa Distooriga ah tahay inuu waafajiyo sharciga ka hor intaanay ansixin.


Source Waheen

Last Updated ( Oct 08, 2009 at 09:27 AM )



http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”