Afhayeenka Xisibiga UDUB, Oo Ka hadlay habka xulista xubnaha

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Afhayeenka Xisibiga UDUB, Oo Ka hadlay habka xulista xubnaha

Post by Ducaysane_87 »

Afhayeenka Xisibiga UDUB, Oo Ka hadlay habka xulista xubnaha Komishanka
Written by Ogaal
Oct 08, 2009 at 09:22 AM
Hargeysa (Qarannews)- Xisbiga talada dalka haya ee UDUB, ayaa ka hadlay hannaanka soo xulista xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanu Golaha Guurtida ku eedeeyay inay dhinac ka ololaynayaan.


Afhayeenka Xisbiga Tallada dalka haya ee UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa shalay ku baaqay in aad looga fiirsado habka xulista xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka. Waxaanu ka hadlay sifooyinka ay Xisbi ahaan ula muuqato in lagu soo xulo xubinta Komishanka. “Mabda’ ahaan Anagu (UDUB) waxaanu aaminsan nahay Waddankan cidda Doorasho gaadhsiin kartaa inay yihiin todoba xubnood (Komishanka doorashooyinka) oo laga dhex xulay ummad dhexdeeda.

Kuwaasi oo laga doonayo inay dhex u noqon karaan murashaxiinta tartamaysa, todobadaasi xubnood inay leeyihiin kartidii iyo aqoontii looga baahan yahay.” Ayuu yidhi Cali-Gurey. Waxaanu ka digay in haddii aan laga fiirsan qofka loo xulayo xubinimada Komishanka ay keeni doonto qoomamo dambe. “Haddii laga fiirsan waayo xulista Komishanka, waxa iman doonta oo jira Komishankan imika ee aynu kala dirayno, waxaynu nidhaahnaa waxa ka wanaagsanaa Komishankii hore ee doorashooyinkii hore qabtay, sida maanta muuqata haddii komishanka cusubi kuwa aanu maqmaqlayno ay yihiin kuwo barito la odhan doona waxa dhaamay komishankii la kala diray.” Ayuuu yidhi Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka Dawladda.


Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ka hadlayay Golaha Guurtida oo laba xubnood soo xulaya, wuxuu yidhi “Waliba waxa muuqata Guurtida lafteedu inaanay dhex ahayn ee ay dhinac u olalaynayso, waxaan rajaynayaa in heshiiskii Asxaabtu aanu noqon sidii Ninkii nacaska ahaa ee inta uu lumay la soo helay ee yidhi, maxaa la igaga farxi beriba waan lumiye’e. Runtii waxaad mooddaa in arrintaa bilowgeedii Cagta la saaray. Waxaanay ka bilaabmaysaa Komishankaasi nooca uu noqdo. Waxaan leeyahay murashaxiintu dib ha iskugu noqoto, Guurtidu dib ha isagu noqoto oo todoba xubnood oo cid kastaaba saxdo soo magacaaba” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay, waar ama Afeef hore aynu lahaano ama adkaysi dambe aynu lahaano. Waxaan leeyahay saddexda murashax, waar idinkoo Madaxweyneyaal doonaya inaad noqotaan, ma waxaad ku heshiin kari weydeen inaad ku heshiisaan toddoba Nin oo idin dhexdhexaadiya oo kolba intaad Kuddaafad meesha keensataan, markay doorashada qaban kari waayaana inaad tidhaahdaan kaalaya dadweynoow oo birta iska asla.”



Source Ogaal

Last Updated ( Oct 08, 2009 at 09:50 AM )


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”