Maamulka Gobolka Gabiley Oo Shaaciyay Furitaanka Jaamacada Cusub Ee Gabiley
Hargeysa (Somalilandpress)- Maamulka Gobolka Gabiley ayaa shaaca ka qaaday in si ku-meel-gaadh ah loo bilaabayo furitaanka Jaamacad cusub oo uu yeelanayo Gobolka ka dib markii uu dhismaha iyo hawsha hirgelinta jaamacadani muddo soo jiitantay.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi oo maanta ugu waramey xafiiskiisa magaalada Gabiley warbaahinta ayaa hoosta ka calaamadiyay in markii u horeysay maalmaha fooda inagu soo haya albaabada loo furi doono Jaamacada cusub ee Gabiley, taas oo isdiiwaan-galinta ardeyda u horeysa ee jaamacadaasi lagu furayo laga bilaabi doono bishan oktoobar ee bilowga ah, halka duruustana si toos ah loo bilaabi doono bisha kadanbeydsa ee november.
Waxanu Gudoomiyuhu soo qadimay in jaamacada cusub ee Gabiley oo furitaankeedu u xanibnaa oo kaliya inta la dhameys tirayo Dugsiga Sare Timacade Ex Qalax oo lagu badelay Xarunta Jaamacada kaas oo xiliagan dismihiisa laga faraxashay,lagana dhisay duleedka waqooyi ee Magaalada Gabiley isagoo arimahaa kahadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:. “xogwarankan aanu maanta warbaahinta siinaynaa waxa uu isugu jiraa laba arimood oo kala ah in aanu kuwargalino dadweynaha reer Gabiley iyo cidii kale ee danayneysa in is diiwaan-galintii Jaamacada cusub ee Gabilay Ardeyda uhoeysa ee gali doonta labilaabayo bisha oktoobar ee hada lagalayo 15keeda,islamrkaana ay furmi doonto oo duruusta labilaabayo 1da bisha noofambar,sidaa daraadeedna dadkii reer Gabiley ee guda iyo dibadaba joogay gaar,ahaan qurba-joogii balanqaadey in ay ka qeyb qaataan Jaamacada in looga baahanyahey doorkoodii oo aan wakhti kale uhadhin wixii kale ee faafaahin ahna kolay waxa tafaasiil kabixinaya gudida Jaamacada laakiin,waxa nagu waajib ah maadaama aanu nahey masuuliyiintii Gobolka in aanu ku dhawaaqno furitaankeeda,aqoonyahankana wixii fikir iyo arin ah ay Jaamacada uhayaan diyaarbaanu unahey waananu kusoo dhaweyneynaa”.Ayuu Yidhi.
Waxa kale oo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley faafaahin kabixiyay tirada dadka Gobolka Gabiley iyo baahida weyn ee Gabiley uqabto in jaamacada loo furo sida ugu dhakhsaha badan iyadoo leh afar Dugsi oo Dugsiya sare ah,oo ay aad uga badan yihiin Ardeyda kabaxdaa kuwa dalka intiisa kale ka furan taas oo sababtey in ay qoyasas badan oo deegaanka Gabiley kunooli ay gabi ahaanba kahayaamaan guryahoodii iyo deegaankoodii rasmiga ahaa si ay,caruurtooda ugu helaan Waxbarasaho Jaamacadeed iyagoo Gabiley uga guura Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame Waxanu carabka ku adkeeyay in Jaamacada Cusub ee Gabiley laga yagleelay xiligani ay wax weyn katari doonto ku negaanshaha dadweynaha u dhashey deegaankani.
Dhinaca kale gabagabadiina Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ka jawaabey su,aal ay weydiiyeen wariyayaashu oo aheyd dhul danguud ah oo kuyaala Magaalada Arabsiyo oo la sheegay in ay iibiyeen islamarkaana,ay jeebka ku shubteen lacagtii ay siiyeen dhulkaasi oo lagu sheegay in ay dhameyd 36.000$oo dollar isagoo arintaa kahadlaya waxa uu yidhi.
“ Wey jirtaa in la iibiyay dhulkaasi waxana loo iibiyay arin ay isla soo ogolaadeen ,soona wada gaadheen duqeyda deegaankaasi Maamulka Arabsiyo iyo kan Degmada Gabiley taas,oo aheyd in dhulkaasi loo iibiyo ib ay ku bedeshaan Xafiisyo loo dhiso Maamulka Arabsiyo, waana la bilaabey dhismihii iyo halkii halka laga hirgainayey,qiimuhuna waxa uu ahaa 25.000 $ 9Shan iyo labaatan kun oo dollar) sida loo buun-buuniyeyna ma,aha’Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.
Sidoo kalena waxa arintaa iyaguna si isku mid ah uga jawaabey faafaahina kabixiyay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sheekh Aadan,Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Bade,iyo Gudoomiyah magaalada Arabsiyo Sitiin Ibraahim Khaliif.
Jaamacada Gobolka Gabiley,oo ay mudooyinkaba siweyn uhadalhayeen guud ahaanba Dadweynaha reer Gabiley ayaa,dhawaaqani unoqonayaa mid ay ku diirsadaan kumanaanka dahlinyarada ah ee sanada walba dahmeysta Waxabarashada Dugsiyada Sare ee Gabiley,oo ay imikana sii xoojiyeen Dugsiyada Sare ee Degmooyinka Alleybadey iyo Tog-Wajaale,waxana sida laga warqabo sanada walba kabaxa qaar kamid ah Dugsiyada dhexe ee Gudaha Gabiley in kabadan 2000 oo Ardey sida Dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame.