


Jen. Morgan Oo Horkacaya Ciidanka Lagu Ururinayo W/Barri Kenya .
C/risaaq C/laahi
Kenya (SP) - Iyadoo ay sii kordhayaan dardarta hawlaha qorashada askarta ee ka socda Gobalada W/barri ee dalka Kenya, ayaa warar hoose oo aanu helnay waxa ay xaqiijinayaan in Jenaraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) uu hogaanka u hayo qorshe ay dabada ka riixayaan Dowladdaha Kenya, Ethiopia iyo Qaramada Midoobey, kaasi la doonayo in lagu kala dhantaalo xoogaga Islaamiyiinta.
Qorshahan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu diyaariyo Ciidamo gaaraya ilaa 5-kun, si tababar loo tababaro, isla markaana ay dagaal ugu qaadeen deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo ay maamulaan Kooxaha Islaamiyiinta.
Dowladda Kenya oo u aragta qatar kaga soo fool leh Islaamiyiinta maamusho deegaanada dhaca Xuduudeda, ayaa u qalab qaadatay, sidii ay Hogaamiye kooxeedyadii dalka mar kale dhinaceeda ugu soo nooleyn laheyd, isla markaana ay ku taageerto sidii lagu maquunin lahaa, awooda sii baahaysa ee Islaamiyiinta mayalka, adag kuwaasoo haatan kuloolamaya deegaanada xadka Kenya ee soomaalida degan tahay.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa boqolaal dhalinyaro lagu qoray gobolka soomaalida degan tahay ee Waqooyi Bari Kenya, waxaana dhalinyaradan lagu soo jiidanayay dhaqaale fara badan oo gaaraya ilaa boqolaal doolar, si loo uruuriyo.
Ka sokow qorshaha qorida iyo uruurinta maleeshiyaadka, waxaa socda qorshayaal kale oo ragg siyaasiyiin ka soo jeeda Jubooyinka ku damacsan yihiin in Maamul Gobolaad lagaga hirgeliyo deegaanada Labada Juba iyo Gedo.
Jeneraalka Howl gabka noqday Morgan ayaa horay u maamulayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo dhowr jeer uu kula dagaalamay Ciidamo uu watay Barre Hiiraale oo kala wareegay gacan ku heynta magaalada.
Maamul Goboleedkan ayaa hindisahiisa waxaa wada Qaramada Midoobey, waxaana isla daadihinaya Saraakiil soomaali gacan saar la leh Dowladda Ethiopia oo ay ka go'an inay dhisaan Maamul Goboleedkaas.
Dhaq dhaqaaqyada ku aadan qorista Ciidamada ayaa waxaa ka hor yimid Maamulka Waqooyi Bari Kenya, kaasoo ay ku sheegeen mid dhibaatadeeda leh, waxaana ay ka cabsi qabaan in gulufka ku aadan diyaar garowgiisa ay keento in weeraro ay ku soo qaadaan islaamiyiinta.
Waa markii u horeysay ee Dowladda Kenya abaabusho Maleeshiyaad Soomaaliya oo ay dalkeeda ku qorto si ay gaashaan ugu noqdaan, ayna u kaashato ka hor tagida Islaamiyiinta sii fideysa, waxaana Kenya aheyd sanadihii u dambeeyay mid isha ka eegeysa xaaladaha soomaaliya, iyadoo aanay taageeri jirin Hogaamiye kooxeedyadii, waxaana ay la mid noqoneysaa Ethiopia oo had iyo jeer gacan siisa maleeshiyaadka Soomaalida iyo Hogaamiye kooxeedyadii laga eryay dalka, kuwaasoo qaarkood ay deegaanadeeda ku abaabuleyso.
Sanaagpost News Desk