
Oct 16, 2009 (QOL) ) Warar hor dhac ah oo aanu helayno ayaa sheegaya in xarunta gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa ay xabadi ka bilaabatay waxaana la sheegayaa in xiliga habeenkii ah magaaladda Addis Ababa ay dadku fiidba kala xaroodaan xabaduna aysan kala joogsanin ilaa waagu baryo, sida ay wararku nagu soo gaadhayaan dagaalkan mirta ah ee Addis Ababa ka biloowday ayaan la ogayn dhinacyada uu rasmi ahaan u dhexeeyo waxaase la sheegayaa in uu jiro kacdoon & guux culus oo sahan u ah doorashada Itoobiya oo la filayo in ay dhacdo horaanta sanadka soo socda ahdii Alle idmo, wararku waxay intaas ku darayaan in dadka Soomaalida ah si hoose loo ugaadhsado iyadoo la ogyahay in ay Amxaaradu il gooni ah ku eegto dadka Soomaalida ah ee Addis Ababa ku dhaqan.
Sida wararku ay sheegayaan amaanka magaalada Addis Ababa ayaa faraha ka sii baxaya waxaana la xaqiijinayaa in magaaladda Jig-Jiga laga diray qaar ka mid ah ciidankii daboqoodhiga ahaa ee lamagac baxay Hawaarin ee uu ina Iley yabyabay kuwaas oo kolkii hore loogu talo galay in xabada looga dhigo ciidanka gumaysiga ee ay weerarada xoogani kaga imaanayaan Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, ciidanka daboqoodhiga ah (Hawaarin) ayaa kala firdhaday kadib markii ay u babac dhigi waayeen cududa CWXO ee laga hor geeyay waxaana soo dhexgalay khilaaf xoogan ilaa heer ay iyaga dhexdoodii isku gadoodeen isna laayeen.
Wiilashan Soomaalida Ogaadeenya udhashay oo qorshihii loo dajiyay loona qalabeeyay ee ahaa in ay CWXO la dagaalamaan ku fashilmay ayaa umuuqda in markale Af-Libaax lagu shubayo oo Addis Ababa loo dhalandhooliyay si ay uxoojiyaan Askarta qoomiayda yar ee Tigreega oo cabsi ka qaba in ay xiisada halkaas ka aloosan waxba ka tari waayaan, waxaa la odorosayaa in uu ciidan Soomaali ah oo Addis Ababa tagaayi sii murgin doono xaalada qasan ee halkaas ka taagan isla markaasna ay arintani sii kicin doonto cadhada & cuqdada gaamurtay ee qoomiyda Amxaarada oo heer fatahaad ah maraysa.
Taliska Zenaawi ee cadeediisii foorarsatay ayaa doonaya in ay ka dhex siibtaan xabada ka Addis Ababa ka qaraxday waxaana lawada xusuustaa shacabka Ogaadeenyana uur ku taalo aan hadhaynin ku ah dagaalkii 1998 dawladda Eritrea & gumaysiga Itoobiya ka dhex qarxay kaas oo oo dhalinyaro faro badan oo Sooamalidda Ogaadeenya udhalatay galaaftay dhimasho & dhaaca culusna gaystay dhalinayradii waagaas dhamaan dhulka Ogaadeenya laga raafay ayaa qaar badan oo ka mid ah aan raq & ruux toona la arag, intii dagaalkaas ka soo noqotayna waa wada curyaan badankood uu xiskiina ka lumay oo ay waasheen kadib markii ay wax xanaaneeya waayeen ayna la soo adristay darxumo udheertahy murugada ay ka dhaxleen dagaalka aysan dantu ku qabanin ee uu galiyay gumaysigii iyaga dhulkooda ku dulmayay & hangooladii gumaysiga gacanyaraha u ahaa ee Khadar Macalin Cali hor joogaha u ahaa.
Dhanka kale warar aanu ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu khilaaf wayni hadheeyay maamulku sheega maqaar saarka ah ee gumaysiga Itoobiya Ogaadeenya u fadhiya khilaafkan oo in mudo ahba soo jiitanmayay ayaa udhexeeya Daa'uud Amxaar & Cabdi Iley labada damiir laawe ee gumaysiga gacanyaraha u ah oo markoodii hore aad isugu dhawaa ayaa la sheegayaa in ay xaaladoodu meeshii ugu xumayd marayso, is maandhaafka labada damiir laawe wuxuu sii xoogaystay kadib markii uu Daa'uud Amxaar oo doonayay in uu waddanka Maraykanka usafro uu xilkii maqaarsaaka ahaa ee Tigreega uu u hayay uu si ku meel gaadh ah ugu wareejiyay Cabdi Iley oo jaaniskaas gaadayay.
Sida la xaqiijinayo Cabdi Iley ayaa ku dhex dhacay xisbiku sheega ay ku midaysanyihiin ragga damiirka ka dhintay ee gumaysigu xasuuqa shacabka Soomaalidda Ogaadeenya u wakiishay Cabdi Iley oo fursad weyn helay ayaa la sheegayaa in uu caydhiyay Daa'uud Amxaar saaxiibadiisii ugu dhawaa ee uu ku dhgaadan jiray arintaas oo la sheegayo in ay Daa'uud Amxaar ka cadhaysiisay ayaa aad cirka isugu shareertay waxaa la sheegayaa in uu kaligii taliye Zenaawi koox Tigree ah Jig-Jiga usoo diray si ay khad cusub ugu jeexaan una soo canaantaan gacanyarahooda is khilaafsan.
Sikastaba ha ahaatee arimaha xiligan Tigreega & gacanyarihiisa soo wajahay ayaa loo badinayaa in ay hordhac u yihiin burburka taliska macangaga ah waxaana si weyn loo saadaalinayaa sanadkan fooda inagu soo haya inay Ogaadeenya & guud ahaan dadka Itoobiyanimada lagu qasbay kala dhaqaaqi doonaan waxaana muuqda astaamihii lagu yaqiinay burburka & soo afjanka awooda gumaysteyaasha.
Qorahay Online