Murtad Aweys dissing scholars

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Murtad Aweys dissing scholars

Post by AhlulbaytSoldier »

Sh.Xassan Daahir oo maanta jeediyay khudbad taabanaysa meelo badan
By Somalimirror on 30 Oct, 2009 8:46 PM in Main, Wararka

Gudoomiyaha Xizbul Islam, Sh.Xassan Daahir Aweyn oo maanta Salaadi Jimcada kadib Muxaadaro ku qabtay Masjidka Abu-Hurayra ayaa ka hadlay Arrimo farabadan oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.


Sh.Xassan Daahir ayaa Gaashaanka u daruuray Warka ka soo baxay Afhayeenka Xisbiga ee uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadalka ay ku baaqday Dowladda Liibiya taas oo uu ku tilmaamay War ku kooban Ra’yi Shaqsi isla markaana aan ka turjumayn Go’aamada Xisbiga wuxuuna yiri “ warkaas war nin waaye war jamaacana maaha mana ka soo fulin waa ra’yi shaqsi ku kooban, waana laga yabaa in sida uu u waday iyo sida loo qaatay ay kala gadisan yihiin”.



Sheekha ayaa Muxaadaradiisu waxay u badnayd dhinaca boorinta in lala dagaalamo Ciidamada AMISOM oo uu Dagaalkooda ku tilmaamay mid Waajib ah isla markaana qofkasta oo awooda looga baahanyahay sida Salaadda looga rabo oo kale isla markaana ka haritaankiisa lagu danbaabayo.



Sh.Xassan ayaa isweydiiyay waxa Dagaalka ka reebay Culumadda uu ku tilmaamay Ah-lu Saxwa & Towxiid wuxuuna ku fasiray in sababtu tahay Caadifo Qaloocan oo dad badan ku jirta daraadeed in ay Jihaadka uga fariisteen Caadifadaas oo uu ugu magac daray mid qabyaaladeed ee aan diinta sal ku lahayn wuxuuna yiri “waa ijmaac Culimada islaamku ku kulansan tahay in qofkii Gaalada Muslimiinta uga hiiliya oo kaashada uu islaam nimada ka baxayo, waa ijmaac weyn marka Caadifad miyaa lagu qaadi karaa mise fiqhi qaloocday, Caadifadda aan afka ku balaariyee waa Hawiyiisim iyo Iririisim, marka waxaas cilmigii ilaahay lagu dhuminayo sax maaha” Wuxuuna intaas ku daray in qofkii gaalada iyo cadowga la socda uusan koofiyad islaam ku ahaanayn.



Sh.Xassan ayaa diiday in dagaalka hadda socda uu yahay mid Fitno ah balse wuxuu ku tilmaamay mid waajib ah asaga oo sheegay in uu xaaraam yahay dagaalka dhex mara muslimiinta balse wuxuu ku tibaaxay in dagaal Muslimiinta dhex mara uusan keenayn in dagaalka Waajibka ah ee uu ku tilmaamay kan AMISOM iyo DKMG ah laga tanaasulo wuxuuna booriyay in dagaalkaas laga qayb qaato kan Xaaraanta ahna laga dheeraado.



Sh.Xassan ayaa khaladaadka ka dhaca saaxada ku sheegay in ay sabab u tahay culimadii oo aan ka qayb qaadanayn Dagaalka taasina ay sabab u noqotay dhalinyarada oo aan cilmi badan lahayn ay ka dhacaan khaladaad ayna culimadi ku tuhmaan in ay dhinac ka yihiin.



Sh.Xassan ayaa Xaaladda caalamka islaamka guud ahaan ku tilmaamay in uu marayo xilligii Tataarku ku soo duulay isla markaana uu qabsaday Casimaddii Islaamka ee Baqdaad, asaga oo barbar dhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, Afgaanistaan, Falastiin & Ciraaq.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by kambuli »

Yaab anagaa aragnay :!:

Marka uu leeyhay "Waa War ku kooban Ra'yi shaqsi"?

Isagu miyuuna ahayn "Shaqsi" Mese waa ka weynyahay?
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by AhlulbaytSoldier »

^ Most of the time i disagree with you,but now its different :up:
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by Addoow »

HutuKing01 wrote:^ Most of the time i disagree with you,but now its different :up:
since when did u start calling mujahid aweys a murtad?? :down:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by AhlulbaytSoldier »

Addoow wrote:
HutuKing01 wrote:^ Most of the time i disagree with you,but now its different :up:
since when did u start calling mujahid aweys a murtad?? :down:
Using it against them is a fine strategy. Let Allah swt decide which of the two groups are murtaddiin :up:
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by Hyperactive »

funny topic.
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Murtad Aweys dissing scholars

Post by salafi_student »

Hutuking, control your anger!

You have no right to call someone murtad, as oday Hassan he is swimming in Muslim bloods. I would advice don't wash the blood off by taking away his sins - let him die with it and face-up to his sins, In a day where even masked guards can't help him.


You get me ?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”