Breaking news!! fire fight in Buhoodle

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Breaking news!! fire fight in Buhoodle

Post by sheekh-Farax-zero »

Buuhoodle(Jidbaale.com):-War deg deg ah oo hadda aga soo gaadhay BUuhoodle ayaa waxa uu sheegay in saaka uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhex maray malayshiyo uu wato Dalbac ninka lagu magacaabo iyo shacabka magaalada Buuhoodle ka dib markii uu Dalbac weerar ku qaaday Buraale Yuusuf Waris.


Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa sheegaya in gebi ahanba Banaanka looga saaray Maleeshiyadii Dalbac magaalada halak kuwii PL na ay ku noqdeen Saldhigyadii magaalada.

Xidhiidh xaga telefoonka ah oo aan la samaynay Weriye Madaxbanaan oo ku sugan magalaada wuxuu noo sheegay in khasaaraha dhacay hada ay u badan yihiin dhawacyo soo gadhay dadka shacabka ah.



Warku wuxuu intaas kudaraya in iska Hor'imaadku uu bilowday markii Maleeshiyo uu wato Dalbac isku dayeen in ay Galaan guri uu ku jirey nin deegaanka ah oo lagu magacaabo Buraale Yusuf Weris. Kaasoo sheegtya sida la sheegay qaraxii lagu kharajiyey Madaxii Maleeshiyada Hargaysa ee Laascaanood.


Waxaana la sheegay in dadka shacabka ahi maleeshayada Dalbac ka qabsadeen 3 qori oo nooca gacanta lagu qaata ah. Isla markaana ayagoon cidi taageereyn ay ka saareen magaalada. Waxaana la sheegay in uu magalada hada ka joogo dhinac shangale. waxaa sidoo kale shacabku gubeen oo cagta mariyeen guri weyn oo uu dalbac ku lahaa magaalada Dhexdeda. kaasoo sida la xaqiiyey Damaska Noqday.




waxayna magaalada u Isticmaaleen Hubka waa weyn oo ay ku jiran lidka Diyaaradaha . taasina waxay soo dedejisay in shacabkuna Isticmaalaan Hubkii waa weynaa ee Buuhoodle yaalay.



Ugu danbeyntiina shacabku ku guulaystaan in ay Magaalada si weyn ay oga baaciyaan Maleeshiyada iyo Horgal Dalbac. sidoo kale waxaa la sheegay in Maleeshiyaadan uu la socdey nin lagu magacaabo Tuur kaasoo sida la sheegay asaguna ah Horgal cusub oo Shilimo ka qaatay Maamulka Hargaysa.
Sidoo kale xidhidh aan la samaynay magaalada Widhwidh ee gobolka Cayn. Ayaa wararka aanu ka helayno waxay sheegayaan in halkaas ka soo abxeen 3 gaadhi oo Ciidan saran yihiin kuwaasoo Gurmad u ah dadka shacabka ah ee la tacaalay Maleeshiyada Calooshood u shaqaysta yaasha ah ee uu wato Dalbac.




Waxaana magalada Widhwidh aad looga dareemay Dhiidhiga shacabku kla muujiyeen Gardarada cad ee maleeshiyada U adeegta Maamulka Soomaalidiidka ah.



Waxaana la filayaa in saacadahan soo socda ay soo gaadhaan Magaalada Buuhoodle si ay u xoojiyaan dadka Walaaladood ah ee lagu soo Duulay.
jidbaale.com

jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Breaking news!! fire fight in Buhoodle

Post by sheekh-Farax-zero »

Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn
Buuhoodle:-Iska horimaadyo u dhexeeyey ciidan ka tirsan S/lland iyo dadweyne fara badan oo reer Buuhoodle ah ayaa maanta bartamaha degmadaas ka dhacay ,iska horimaadkaan ayaa dhashay ka dib markii ciidan ka tirsan S/lland oo uu horkacayo Sarkaal lagu magacaabo Dalbac ay isku dayeen in ay qabtaan nin sheegtay inuu yahay gudoomiyaha urur la magac baxay JNM oo sheegay inay iyagu ka danbeeyeey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
Ciidanka S/lland ayaa doonayey in ay xiraan Buraale Yuusuf balse dhalinyaro hubaysan oo la joogay ayaa iska caabiyey weerarka la doonayey in lagu qabto ka dib dadweynaha fara badan ayaa shaqaaqo kala hortagey Sarkaalka S/lland ee Dalbac , ciidanka S/lland ayaa dibada uga baxay magaalada Buuhoodle.

Iska horimaadka ayaa xooggaystay ka dib markii dhalinyaro hubaysan ay ku soo biireen rabshadaha, ilaa 2 wiil oo arday ah Iskuulada ka tirsan, ciidanka S/lland ayaa ku guul daraystay in ay qabtaan ninka ay rabeen in qabtaan.

Magaalada Buuhoodle ayaa ah magaalooyinka ay rabshadaha ka dhacaan oo inta badan ay ku muransan yihiin maamulka S/lland iyo Puntlland, dadweynaha rayidka ah ayaa ka baqaya in dagaalo hubaysan ay ka dhacaan magaalada.
Image

Image

Dhanbaal News..
Last edited by sheekh-Farax-zero on Mon Nov 02, 2009 7:51 am, edited 1 time in total.
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Breaking news!! fire fight in Buhoodle

Post by sheekh-Farax-zero »

Iska Hor Imaad ku dhex maray shacabka iyo maleeshiyaadka hargeysa oo ka dhacay magaalda buuhoodle

Iska hor imaad balaadhan ayaa ka dhacay magaalada buuhodle ee xarunta gobolka cayn, kaasoo, ay isku haleeleen, maleeshiyo beeleed ka amar qaata maamulka hargeysa,iyo shacab weynaha ku dhaqan magaaladani buuhoodle,

Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib markii , ay maleeshiyaad u adeega maamulka hargeysa, weerarku qaadeen, nin xalay sheegtay, in uu , ka danbeeyey,qaraxii shalay ka dhacay magaalada laascaanood, oo lagu magacaabo, Buraale Yuusuf, Weris,

Buraale Yuususf weirs oo ku sugan duledka magaalada buuhoodle, ayaa lagu qaaday, weerar halkaasoo, ay difaaca, adkaysteen, sidoo kale, waxaa markii, ay dib uga soo gurteen maleshiyaadka hargeysa, meeshii, uu ku sugnaa, ayaa waxaa magaalada buuhoodle shacab weynaha ku dhaqani, ,bilabeen, weerar, ay u qaadeen goobaha , ay ku sugan yihiin , qaar ka mid ah maleshiyaadka ka amar qaata somalidiidka,

Rabshadhani, oo soconayey mudo saacado ah, ayaa, guud ahaanba magaalada buuhoodle, lagaga sifeeyey , maleeshiyaadka, la shaqeeya, Somaliland,

Rabshadahani, ayaa sababay,dhaawaca laba qof oo radid ah, kuwaasoo, ay haleshay, rasaas, ay ridayeen, maleeshiyaadka hargeysa,

Dhanka kale , waxaa gebi ahaanba la bur buriyey, guryo, ay la haaayeen,, xubno u shaqeeya, Somaliland ,kuwaasoo, dhagax, dusha looga qaaday,

Sidoo kale, waxaa shacabkii kacdoonka samynayey, ku guuleysteen, furashada, 3 qori , oo AK47 ah, kuwaaso, ay dhagax kaga furteen, maleeshiyaadka riyaalMaaha markii, ugu horeysey, oo kacdonkan oo kale ah shacabka eer buuhoodle, ku sifeeyaan magaalada buuhoodle, dabayaaqaii sanadii hore ayay ahayd, markii, shacabku , abaabada u laaeen, mashquurcii diiwaan gelinta , ee riyaale, kaasoo, kusoo wajahnaa, gobolka cayn, Bulshada buuhodle, ayaa ku can, ah qadiyad agayd, taasoo, looga bartay marka arimahan oo kale yimaadaan, in ay meel uga soo wada jeestaan,
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Breaking news!! fire fight in Buhoodle

Post by Babygirl- »

Abihis wase should being shot dead.. :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”