Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Oodweyne Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Hawl-gal Caafimaad Oo Laga Waday
Oodweyne (Oodweynenews)- Koox dhakhaatiira oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo muddo sagaal maalmood ah hawl-gal caafimaad oo balaadhan ka fulinayey dhakhtarka guud ee magaalada Oodweyne, ayaa halkaas lagu soo gabagabeyey.
Dhakhaatiirtan hawlaha caafimaadka ka waday Oodweyne, ayaa si fiican u soo af-jaray barnaamijkaas caafimaad ee ay u tegeen halkaas, oo isugu jiray baadhitaan-caafimaad oo ay dadka ku samaynayeen iyo dawo-siin.
Xaflad loo sameeyey xidhitaankii hawshaas, ayaa waxa hadal kooban ka soo jeediyey Dr. Aamiin Shaafici Sheekh Cabdilaahi oo ahaa madaxa kooxda dhakhaatiirta ah ee hawl-galka caafimaad ka fulinaysay magaalo-madaxda Gobolka Daad-madheed ee Oodweyne, oo sheegay in hawsha ugu muhiimsan ee ay halkaas u tegeen ahayd inay ka soo sameeyaan baadhitaan ku aadan cudurada guud ee dadka badankoodu ka cabanayaan iyo daawaooyinkii lagula tacaali lahaa.
Dr. Aamiin Shaafici waxa uu xusay inay baadhitaan-caafimaad ku sameeyeen 233 qof isugu jira Waayeel, Haween iyo caruur yar yar, kuwaas oo intooda badan ay ka baadhayeen cudurada guud. Waxaana uu tilmssmsy in qof kasta oo ay baadhitaan ku sameeyaan ay siinayeen dawooyin uu xanuunkaas isaga daweeyo ama talooyin-caafimaad.
Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Maxamed Cabdi Liibaan, ayaa isaguna si weyn ugu mahad-celiyey dhaakhaatiirtaas hawl-galka ballaadhan ee faacimaad ka fulinayey dhakhtarka guud ee magaalada Oodweyne.
Waxaana Gudoomiyuhu uu sheegay in tallaabadani ahayd mid si weyn loogu baahnaa, isla markaa ay qayb wax-ku-ool ah ka qaadanayso hagaaga iyo sugnaanshaha caafimaadka ee dadweynaha ku dhaqan magaalada Oodweyne.
Hawl-galkan caafimaad, ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara baahidii caafimaad ee haysatay dadweynaha ku nool magaalo-madaxka Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne, oo illaa hadda aan nasiib u helin in looga shaqaysiiyo dhakhtarkii Guud ee magaalada oo aan xidhnayn isla mar ahaan furnayd.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Oodweyne Oo Lagu Soo Gabagabee
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 340 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 493 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 10 Replies
- 854 Views
-
Last post by yeyleboy
-
- 14 Replies
- 1783 Views
-
Last post by Alshabaibe
-
- 4 Replies
- 655 Views
-
Last post by BoholKing
-
- 2 Replies
- 8791 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 20 Replies
- 1801 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN