Ethiopia: "Shabab Will Capture Sland/Pland if not helped"
Posted: Thu Nov 05, 2009 3:47 am
Addis Ababa: " Puntland & Somaliland toos ayay Al- Shabaab uqabsanayaan, hadii aan gacan lasiin, hada hogaanka Al- Shabaab sarkaal cusub ayaa la wareegay" Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya.
5. november 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Addis Ababa(AllPuntland)- Dawladda Itoobiya ayaa kaga dhawaaqday caasumada dalkeeda ee Addis Ababa in amaanka Geeska Africa oo sugnaada uu ku xiran yahay Soomaaliya oo amaan iyo kala dambeyn caam ah ka dhalato, ayadoo ay sheegtay dawladda Itoobiya ay aad uga walaacsan tahay xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya.
Xukuumada Itoobiya ayaa shaacisay in Xoogaga Islaamiyiinta ee Soomaaliya ay hada awood balaaran hayaan, isla markaasna ay qorsheysan karaan weeraro ay ku hakeeyeen gobalada aan gacantooda ku jirin ee Soomaaliya, sida Puntland & Somaliland, isla markaasna ay la wareegaan xarumahaasi.
" Al- Shabaab oo hada leh awood buuxda, waxa ay bilihii ugu dambeeyey tababar galisay in badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliya, waxaa hada hogaanka Al- Shabaab la wareegay Sarkaal cusub, kaasi wuxuu sababi doonaa in uu sameeyo waxqabad balaaran, oo ah in ay wajahaan xaaladaha gobalada aan gacantooda ku jirin, kadibna waxa ay qabsan doonaan gobalada sohdimaha kuyaala" Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya.
Mesfin wuxuu aad uga dayriyey tabarta dawladda KMG ah, oo uu sheegay in ay hada ku kooban tahay wadada Maka Al-Mukarama oo ay amaankeeda ilaaliyaan ciidamada Midowga Africa, isagoo ku dhaliilay hogaanka dawladda Soomaaliya waxqabad la'aan baahsan oo uu sheegay in ay waxba horukac ah ay sameyn waayeen mudadii ay xilalka hayeen.
" Dawladda KMG ah malaha tabar ay iska difaacdo Islaamiyiinta xiriirka aan leex-leexadka laheyn kala dhaxeeyo Al- Qaacida, hada waxa ay dawladdaas katalisaa oo kaliya 2 KM oo ka mid ah caasumada, oo ah wadada isku xirta Aqalka Madaxtooyada & garoonka diyaaradaha, taasna waxa ay muujinaysaa awooda ay leeyihiin Al- Shabaab" Ayuu yiri markale Wasiirka arrimaha dibada oo muujinaya tabar darida dawladda KMG ah.
Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya Seyoum Mesfin wuxuu ugu yeeray Soomaaliya, dal aan wax nabadgalyo ah ka jirin, isagoo sheegay in gobalada ay hada nabadgalyadu ka jirto ee Puntland & Somaliland-na uu sheegay in ay Kooxaha Al- Shabaab ay doonayaan in ay qabsadaan oo ay hada gudaha deegaanadaasi udireen qaar ka mid ah kooxaha fuliya weerarada qorsheysan, si loo wiiqo awoodaha ciidan ee dhinacyadaasi.
Hadalka dawladda Itoobiya ayaa ku soo beegmay xili ay dhawaan Xarakada Al- Shabaab ku dhawaaqday in ay weeraro ku qaadi doonto magaalooyinka, Addis Ababa, Garowe,Nayrobi, Hargeysa, Jabuuti, Asmara iyo Tala-biib, taasoo oo aan la garan karin sida ay ku suuragalayso.
F. C. Maxamed
AllPuntland