The Youngest Caaqil in somali history

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

The Youngest Caaqil in somali history

Post by MrPrestige »

Caaqilkii Ugu Da'da Yaraa Oo lagu Calleemo-saaray Magaalada Berbera

Image


Berbera (Oodweynenews)- Magaalo madaxada gobolka Saaxil ee Berbera waxaa maanta ka dhacday munaasibad calleemo saara oo loo sammeeyey caaqilkii ugu da’da yaraa Gobolkaas oo lagu magacaabo “Caaqil Xasan Caaqil Shaqale Maxamed,” ka dib markii uu dhawaan geeriyoodey Alle ha uu naxariistee aabihii Caaqail Shaqale oo jagadaas baneeyey.

Munaasibadda calleemo saarka Caaqilka cusub oo ka dhacday qado sharaf loogu sammeeyey hudheelka Xayaad ee magaalada Berbera, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah cuqaasha Gobolka Saaxil, Togdheer, masuulliyiin, dadweyne tirro badan iyo gaadiid kor u dhaafaya boqollaal, kuwaasoo ku soo wareegay wadooyinka Berbera.

Qaar ka mid ah cuqaasha gobolka Saaxil oo hadallo ka jeediyey munaasibadad calleemo saarka, ayaa Ilaahay uga baryey inuu xilka u fududeeyo caaqilka cusub, islmarkaana u soo jeediyey weedho isgu jira dar daaran iyo inuu dhex u noqdo beesha soo dooratay.

Caaqil Cabdi Maxamed Siciid (Ruug-dhige) oo ugu horayn munaasibadaas ka hadlay , sida ay qortay shebekadda Berberanews, ayaa caaqilka cusub u baryey inuu Ilaahay xilka u fududeeyo , isagoo ka codsaday beeshiisuna inay garab istaagaan, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa “Ilaahay ka ii fududeeyo waxaan ak codsanayaa beesha uu ka soo jeedo inay markasta garabkiisa istaagaan oo la wadaan shawada loo igmaday.”

Caaqil Cabdi Hadoodil, ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay sidii markasta loo garab istaagi lahaa, maadaama uu dhallinyaro yahay “Maadaama uu yahay nin dhallinyaro ah yahay caaqilkan cusub waa in markasta garbihiisa la buuxiyo oo lala shaqeeyo, waxaan kugulka dardaaramayaa caaqilka cusub iyo kuwa halkan fadhiyaaba inay sghqadeenu dhaqanka iyo nabadgelyada ku eekaato oo aan loo hanqal-taa muranada siyaasadeed ee axsaabta.” Sidaas wax ayidhi Caaqil Cabdi Hadoodil

TogdheerNews
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: The Youngest Caaqil in somali history

Post by Kukri »

From what clan?

cant be bothered to read all that.

Is he from the tree swingers sub-clan of the mighty HA or is he a Garxajis laan gaab?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”