Page 1 of 1

Gold Found in Ethiopia

Posted: Sun Nov 08, 2009 4:57 pm
by Ducaysane_87
Addis Ababa(Oodweynenews)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda laga helay keyd dahab, kaa soo lagu qiyaasay in kabadan 40 tons, sida ay sheegtay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dowladda dhexe ee Ethiopia.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa faafisay in jiritaanka dahabkan ay baadhitaan ku ogaadeen shirkado laga kala leeyahay dalalka Ingiriiska iyo Sacuudi Carabiya, Dahabkan oo laga helay galbeedka dalkaa ayaa waxaa lagu qiimeeyey 1.7 billion US Dollar.

Shirkadaha helay dahabkan ayaa waday baadhitaankooda shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana la sheegay in ay soo saaridda dahabkan ku bixi doonto 200 million US Dollar. Dalka Itoobiya ayaa hadda waxa baadhitaano noocan oo kale ah ka wada shirkado gaadhaya 44. Itoobiya ayaa la sheegay qiyaastii in uu ku aasanyahay ilaa 500 tons oo dahab ah.Dhawaan ayaa dalka Eriteriya sidan oo kale isna laga helay keyd dahab ah, kaas oo soo saaritaankiisu uu iminka bilaabmay.

By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

Re: Gold Found in Ethiopia

Posted: Tue Nov 10, 2009 2:40 pm
by Keyse_0208
where in ethiopia is this gold cave found, 40tons,1.7 billion dollars :shock:. we need to get a peice of this somehow someway

Re: Gold Found in Ethiopia

Posted: Tue Nov 10, 2009 3:01 pm
by nomadicwarlord
Not worth it. If I trust my Somali, I read, it will cost $200 million to mine it?.