Xildhibaan lagu dilay Magaalada Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Xildhibaan lagu dilay Magaalada Garowe

Post by Abdi-Samatar »

Xildhibaan lagu dilay Magaalada Garowe
November 11, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)
Xildhibaan lagu dilay Magaalada Garowe | read this item Horseed Media
Garowe

Waxaa caawa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu dilay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqda Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Ibrahim Cilmi Gaab ayaa caawa lagu dilay bartamaha magaalada Garowe, xili uu kusii jeeday gurigiisa magaalada.

Marxuum Ibrahim Cilmi oo kasoo jeeda Gobalka Mudug, ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqday dhismihii Baarlamaanka Puntland 1998dii. Wuxuuna kamid ahaa Xildhibaanada sida weyn looga qadariyo Golaha Wakiilada ee Puntland.

Taliyaha Booliiska ee gobalka Nugaal ayaa Horseed Media u sheegay in Xildhibaanka lagu dilay bistoolad ayadoo shan xabo lagu dhuftay, weerarkan ayaa gacan ku dhiiglihii geystay aan weli la soo qaban.

Booliiska ayaa sheegay inay baaritaan dilkan ku wadaan, ayadoo ciidamada magaalada Garowe, heegan la galiyey.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili caawa weeraro kale oo qorsheysan ay ka dhaceen magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Weeraradan caawa ka dhacay sadexda magaalo ee ugu waaweyn ee Puntland ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Puntland digniino ka bixineysay in gobalada Puntland kusoo wajahan yihiin kooxo doonaya inay khal khal geliyaan amniga gobalada Puntland.

Waxaa caawa magaalada Bosaso lagu dilay Shiikh Maxamed Cabdi Awaare oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamada magaalada Bosaso. Halka magaalada Gaalkacyo bambaano lala beegsaday xarunta dowladaha hoose, halkaasi oo uu hal qof ku dhaawacmay.

Horseed Media








WAR DEG DEG AH: XILIBAAN IBRAAHIM CILMI OO AY RAG HUBAYSAN KU DILEEN GOOR DHOWAYD MAGAALADA GAROOWE

--------------------------------------------------------------------------------

Goor dhowayd ayaa Waxaa lagu dilay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Mid ka mid ah Xidhibaanada Dowlada Puntland oo Wakhtigaasi ku sugnaa Goob Makhaayad ah oo lagu shaaheeyo.

Dilkaan loo Geystay Xidhibaan Ibraahim Cilmi l ayaa Waxaa uu dhacay Wakhti ay saacadu ku beegnayd 1:40 Fiidnimo Waxaanu lagu dilay rasaasta ka dhacda baastoolada

Wax yar kadib Cisbitaalka ayaa loola cararay Sid aan ku helayno Warar lagu kalsoon yahayna Waxay Tilmaamayaan in uu Geeryooday Xilibaanka.

Macada in lahayo Cidii ka dambeysay iyadoona ay haatan Goobta Ciidamadu heegan sare ugu jiraan amaankeeda Waxayna ku soo beegmaysaa Xili Caawa fiidkii lagu dilay bosaso Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka bari Maxamed Cabdi Awaare oo isna Cidii dishay ilaa hada lahay.

Abdirahman Mohamed koronto

Laasqoray.Net-Garoowe
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”