Madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo kulan ku yeeshay dhisme ay lahayd dawladdii Soomaaliya ee hore oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shirkaasi ku kala kacay khilaaf iyo is afgaranwaa.
Ka dib kulankaasi Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuu kulankaasi guul darastay ka dib ayuu yidhi markii Madaxweyne Shariif uu diiday inuu saxeexo qodob xoojin u ahaa heshiis ay dhawaan kala saxeexdeen Ra´isal Wasaaraha Kooxda Jibouti Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Maamulka Puntland
Shiekh Dalxiis is getting tough with Puntland
Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
Mr. Faroole oo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yidhi "Waxaa jirta dhawaan in xukuumadda Puntland ay heshiis la saxeexatay Ra´isal wasaaraha iyo xukuumadiisa oo ahaa in magaca caalamiga ah ee adduunyadu aqoonsantahay ee Soomaaliya ee ay huwanyahiin si isle´eg looga wada faa´iidaysto, waxay ognahay in Puntland ay tahay ubucda keliya ee nabad ah, markaa waxaa go´aanka heshiisku ahaa maadama Puntland nabad tahay in ay hormood u noqoto hawlahii dawladda oo dhan oo la keeno wixii horumar iyo disme ah, ileen dalku waa isku mid eh
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
markii heshiiskaasi la galaayey kuma iman in wada xaajoood la geliyo, wuxuu ku yimid in dhulka Soomaaliya ay isku mid yahay isla markaana lagu ixtiraamo dadka nabadgelyada keenay ee dhulkoodu nabad yahay in horumarka lala qabto, waxaa jirta in aanu halkani (Nairobi) u nimid sidii heshiiskaasi loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa isla markaana hirgelintiisa loo dhaqan gelin lahaa, balse waxaa noo cadaatay Puntland ahaan in niman dawladda Shariifka ku jira aanay raali ka ahayn, waxaanan ummadda Soomaaliyeed u sheegaya inuu heshiiskii sidaasi ku burburay" ayuu yidhi Mr. Faroole
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
Viva Sheikh Dalxis and to hell with Bugland 

Last edited by Goljano Lion on Fri Nov 13, 2009 8:10 pm, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in uu arko qaabka ay ku socoto maamulka ku meel gaadhka ah mid fashilmaya "Tan iyo 2004-tii waxaa uun la lahaa dawlad ayaa jirta tani imika timid iyo tii ka horaysay ee C/laahi Yuusuf afka oo la yidhaahdo dawlad ayey ka yahiin mooyaane wax waxtar ah oo magaca ay haystaan ee la aqoonsanyahay ay ku kordhiyeen ummaddu ma jirto, imikana waxaan arkaa uun in jidkii ay tanna ku socot xiiqa badani ka muuqday" ayuu yidhi Mr. Faroole
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Puntland
Khilaafkan, iyo guul darradani soo wajahay xidhiidhkii iyo heshiisyadii Maamulka Puntland iyo Dawladda Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ka danbaysay markii Madaxweyne Shariif iyo Ra´isal wasaarahiisu ay ku kala aragti duwanaadeen qaabka loola macaamilayo Dawlad goboleedka Puntland, bishii hore ayaa Ra´isal wasaare Sharmarke wuxuu la soo gallay heshiis maamulka C/raxmaan Faroole ee Puntland isagoo heshiiskaasi dhigaayey in Puntland laga sameeyo saldhig lagu tababaro ciidamadda guud ee dawladda Federaalka ah iyo in Maamulka puntland qayb isle´eg ku yeeshaan wefdiyada caalamiga ah ee dibadda u baxaya, isla markaana dhaqaalaha soo gellaya dawladda Federaalka ah qayb isle´eg laga siiyo maamulka Puntland, heshiiskaasi ayaa u muuqda mid ay ganafka ku dhufteen xubno wasiiro ah iyo Madaxweyne shariif laftiigiisa iyagoo saluugay qaabka loo dhigay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 9 Replies
- 1048 Views
-
Last post by melo
-
- 8 Replies
- 728 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 604 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 4 Replies
- 735 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 5 Replies
- 692 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by Moguul21