Gudooomiyaha Guddiga Ganacsatada dhoofka xoolaha Somaliland, Md. Cabdullaahi Maxamed Cabdiraxmaan Awal-bari ayaa u sheegay Idaacada Horyaal ee Somaliland in Ganacsatada Somaliland aysan wax Xoola ah aysan ka dhoofin Dekedda Berbera, Isaga oo sheegay in Dekedda aay wax ka dhoofiyeen oo kaliya Saddex Nin oo u Shaqeysa Aljabiiri Ninka lagu magacaabo ee Xoolaha Qandaaraska ku qatay
”Anigu hada waxan iska jooga Burco, Markan xaalada xalka aay mareyso, nin yahow dadkan Afrikanka ah de waxan jirin ayey had iyo goor ku waraman , lacagtii aay qadi jireen jabuuti ee u qadi jiray Cumar Geelle ayuunba halkaan loo soo wareejiyey. Marka wax xoola iska dhoofinaya waxa jira ninkii la oran jiray Jabiiri oo aay u Shaqeynayan Cali Balaq-balaq
Sidoo kale Cabdullaahi Maxamed Cabdiraxmaan Awal bari waxa u sheegay in Ganacsatada Somaliland aysan u Madax Banaaneyn Dhoofinta Xoolahooda, Waxa u sheegay in Kaliya uu u Madax banaan yahay Xoola dhoofinta Ninka la dhaho Aljabiiri
Cabdullaahi Awal bari waxa u sheegay in Maxjarka Magaalada Bosaso ee Puntland ku yaala ay ganacsato badan u wareegen kadib markii aay arkeen Dhibaatada iyo weliba Cashuurta Xad dhaafka ah ee lagu hayo Ganacsatada
Waxa u Sheegay in Maxjarka Bosaso oo aay markii soo gasho Lix Kun oo Xoolo ah laga qaadayo Ganacsatada Hal doollar, Halka Berberna laga qaadayo Toddoba Dollar, taasina aay tahay Farqi weyn oo u dhaxeeya labada dhinac
Waxa kale oo u sheegay in Maxjarka Bosaso u ku Eegyahay oo kaliya Hal Sano Kadibana aay la wareegi doonan Ganacsatada Degaanka iyo Maamulku, halka Kan Berbera aan la aqoon goorta iyo Weliba Sanadka u dhamaan doono Mashruucan Aljabiiri dabada ku wotaa
Awal-Bari waxa u sheegay in aay jiran oo kale Ganacsato Xoolahoodii Lug ku geeyey dhanka Jabuuti kuwas oo Bosaso ku Aamini waayey madama aay jiran Kooxo Burcad badeed Ah, waxana u sheegay in Kuwasina aay ka dhoofiyeen Dhanka Jabuuti Sidaa u hadalka u yiri
    
    
    