The First Mental hospital for women in somaliland
Posted: Sat Nov 21, 2009 6:20 pm

Wasiirka Wasaarada Qoyska Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xadhiga Ka Jartay Cusbitaal Dhimirka Ah Oo Haweenka U Gaara + SAWIRO
Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan, ayaa maanta xadhiga ka jartay xarun cusub oo lagu daryeeli doono dumarka qaba xanuunka dhimirka ama maskaxada, kaas oo kii ugu horeeyey ee laga hirgeliyo magaalada Hargeysa.
Xaflad Balaadhan oo lagu furayey xarunta cusub oo lagu qabtay xaruntaas lafteeda oo ku taala Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Qoyska, Wasiirku xigeenka Warfaafinta, Xildhibaano, Aqoonyahano, Dhakhaatiir iyo marti sharaf kale.

Xaruntan cusub oo lagu magacaabo Raywan ayaa lagu daryeeli doono isla markaana lagu dawayn doono dadka qaba xanuunka dhimirka qaar ahaan haweenka, ayaa waxa ujeedadii aasaasay faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha xuruntaas Aadan Cawil Xuseen, waxaanu sheegay in samaynta xaruntaas ka dhalatay baahi loo qabo in la helo xarun lagu daryeelo dumarka qaba xanuunka dhimirka ee ku dayacan dalka looguna heli lahaa gobo lagu daaweeyo.
Waxaanu ka waramayey Agaasimuhu ujeedooyinkii loo aasaasay xarunta dhimirka dumarka waxaanu yidhi “Xaruntan waxa loogu adeegi doonaan bulshada inta u jilicsan ee dayacan, aasaaskeeduna waxa uu ka dhashay markii aanu aragnay dayaca iyo dhibaatada haysta haweenka dhimirka wax ka qaba, waxaana dedaal dheer u galnay sidii aanu u furi lahayn xarunta cusub Rayman. Ujeedada aanu ka lahayn furitaanka xaruntan waxay ahayd in lagu daryeelo dadka buka raga iyo dumarba magaalo kasta iyo gobolkasta.”
Waxaanu uu intaas ku daray oo uu yidhi “Cusbitaalkan maaha mid loo furay ka ganacsiga dadka buka,balse waa mid loogu adeego dadka maskaxda wax ka qaba,waxaanu cusbitaalku ku tiirsan tahay xagga dhaqaalaha eheladda dadka buka loo laga qaado lacag yar oo aan badanayn oo aan ku filayn baahida cusbitaalka,marka laga reebo Hayad WFP oo lagu caawisa raashin yar.”
“Markii aan furnay Cusbitaalka waxa talooyin na siisay Marwo Edna Aadan Ismaaciil islam markaana nagu caawisay qalabka uu ku shaqaynayo Cusbitaalku, shirkada Telsom ayaa iyaduna nagu caawisay lacag dhan 2000 kun oo doolar iyo nin lagy magacaabo Farxaan Liibaan oo isaguna lagu taageeray dawooyin.”
Agaasimaha Cusbitaalka Dhimirka ee Haweenka waxa uu u soo jeediyey xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in ay gacan siiyeen xaruntan cusub ee loogu adeegayo haweenka maskaxda ka buka.
Wasiirka Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Faadumo Suudi oo ka hadashay xafladii furitaanka Cusbitaalka cusub ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay furitaanka cusbitaalka u gaar ah dumarka, waxaanay sheegtay in ay la shaqayn doonto cusbitaalka cusub.
Ugu dambayntiina Wasiirku Waxay xadhiga ka jartay Cusbitaalkaas lagu daryeeli doono haweenka maskaxda ka buka.

Oodweynenews.com

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com