
Xadka Sucuudiga Iyo Yemen Oo Ay Dhallinyaro Soomaaliyeed Ku Dhimatay
Yemen (Jidbaale.com) wararka aanu ka helayno xadka u dhexeeye sucuudiga iyo yemen, habeen hore dhallinyaro soomaaliyeed oo ka tagtay dhinaca yemen oo doonaysay inay u nolol raadsadaan sucuudiga, hase ahaatee markay soo gaadheen xuduudka labada dal ayaa la laayey.
Ciidamada sucuudiga, kuwo yemen iyo jabhada Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dawlada yemen oo iyaga maalmahan ay dagaalo halkaasi ku dhexmarayeen, dabadeedna dhallinyaradan soomaaliyeed ee iyagu nolol doonka ahi markay iska dhega mariyeen amaro kaga imaanayey dhinaca ciidamada sucuudiga ee halkaasi ku sugnaa.
Ka dibna rasaas ayaa oodda lagaga soo qaaday, waxaana goobtaasi ku qudhbaxay todobada soomaali ah, waxaana ka badbaaday hal wiil oo soomaali ah.
Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan dagaalada u dhexeeya ciidamada yemen, kuwa sucuudiga iyo jabhada Xuutiyiinta, waxaa lagu arkay jabhada Xuutiyiinta oo ay ka dhinac dagaalamayaan dhallinyaro soomaaliyeed.
Ciidamada Sucuudiga Oo Soomaali Sheegay In Ay Qabteen
http://jidbaale.com/index.php?option=co ... soomaaliya