




Markii uu Madaxweynaha gaaray xerooyinkaas ayaa wuxuu ugu gudbadeeyay ciidamo badan oo Mileteri ah oo loo diyaarinayo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ciidamada u sheegay in looga baahan yahay in ay dalkooda difaacaan, isla markaan ay iska ilaaliyaan waxyaabaha ciidamada burburiya.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha in haddii ciidamada ay hagaagaan ay dowlnimadana hagaageyso, balse haddii ay noqdaan kuwo kala daadsan oo aan dowladnimo diyaar u ahayn ay dhibaatada sii soconeyso, xalkana uu fogaanayo.
Madaxweynaha ayaa intii uu hadlayay wuxuu uga farxiyay Ciidamada in ay heli doonaan xuquuqdooda, wuxuuna caddeeyay in ay soo dul-qaadanayeen muddo dheer oo ay tababar ku jireen.
Waxay ahaayeen xerooyinkii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha si rasmi ah u booqdo xerooyin lagu diyaarinayo Ciidamo ay leedahay Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la doonayo in ay wax ka qabtaan amni darrada ka jirta dalka Soomaaliya
"O you who believe! Obey Allah, and obey the Messenger, and those in command among you." (W4:58; H4:59)