http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/ ... baab.shtmlBeeninta Al-shabaab
Sheekh Cali Maxamuud Raage
Afhayeenka kooxda Al-shabaab
Xarakada Alshabaab, ayaa tacsi u dirtay eheladii iyo dadka muslimiinta ah ee ay ka geeriyoodii dadkii muslimka ahaa ee ku dhintay qaraxii ka dhacay hoteelka Shaamo ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa yiri, "dadkii muslimiinta ahaa ee aan waxba galabsanin ee ku waxyeeloobay dhibaatada ka dhacday Hotel Shamo, dadkaas oo ah macalimiintii, ardadii iyo dadkii shacabka ahaa ee kaleeto ee meeshaas yimiday ee dhibaatadu ku gaartay, waxaanu leenahay in alla intii muslimiin ah ee aan wax galabsan ee meeshaas ku jirtay, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa ha u naxariisto eheladoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, dhamaan dadka muslimiinta ahna ilaahay subxaana watacaalaa samir ha ka siiyo."
Wuxuu kaloo sheegay in xarkada Al-shabaab ay maqalka falka halkaas ka dhacay maqalkiisa ay kala mid yihiin dadwaynaha, oo ay warbaahinta uga maqleen si la mid ah dadka, dhibaatada halkaas ka dhacday ayuu yiri kama suurtowda 'Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin'.
Wuxuu kaloo sheegay in kooxaha ku bahoobay dowladda ay damac siyaasadeed iyo kuraas doon yihiin.
hmm...