Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya oo Galabta nin Maca
Posted: Sat Dec 05, 2009 11:42 pm
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya oo Galabta nin Macalin ah ku toogtey Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Posted: 12/5/2009 8:07:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa caawa nin Macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuulada Magaalada Muqdisho waxaa ay ku toogteen agaarka Isgooska Soobe.
Macalinkani oo wax ka dhigayay Iskuulka Soona Key ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ciidamada ay toogteen markii uu kasoo baxey goobtii uu wax ka dhigayey ee Iskuulka xiligaasi oo la sheegey in uu ku wajahnaa dhanka hoygiisa.
Dilka maclinkani ayaa waxaa Idaacada Shabelle u xaqiijiyey Macalin Muuse oo ah Maamulaha Iskuulka Soona Key ee magaalada Muqdisho.
Maamulaha Iskuulka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegey in ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ay suurto gal tahay in si lama filaan ah ay ku toogteen.
Si kastaba ha ahatee ma’ahan markii ugu horeysey oo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya dad rayid ah ay ku dilaan qeybo kamid ah magaalada Caasimada ee Muqdisho.